Ciyaar Aan Waxba Laysula Hadhin Oo Caawa Lagu Soo Gabogabeeyay Tartankii Kubadda Kollayga Iyo Xulka Saaxil Oo Hantiyay Koobkii + SAWIRRO

0
899

Hargeysa, (HargeisaPress) —Garoonka kubadda kollayga ee Timacadde ee magaaladda Hargeysa waxaa xalay ciyaarta kama dambaysta ah kubadda Gacanta ay ku dhex martay xulalka Saaxil iyo Gabilay oo isugu soo baxay finalka tartanka ciyaaraha gobollada ee kubadda Kollayga. Guuli laba nin kama wada farxisee, waxaa Xulka gobolka Saaxil uu xalay ku guulaystay, oo bar kala baxeen, hantiyeen isla markaana la huleeleen koobkii kubadda Kollayga ee tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland, iyagoo kaga badiyay 35 dhibco amma goolalxulka gobolka Gabiley oo iyagu keensaday 28 dhibcood/gool.

547

Ciyaartan oo ahayd mid si weyn loo sugayay ayaa waxaa garoonka Timacadde soo buux dhaafiyay dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid afarta jifo ee magaaladda Hargeysa, kuwaasi oo usoo baxay daawashada ciyaartan oo xamaasadeedu cirka marsanayd, sidoo kale taageerada labada Gobol ee dadkii daawanayay oo tarabuunka buux dhaafiyay ayaa ahayd mid sawaxan iyo isku orin ku ladhnayd.

xulka-saaxil-ee-kubada-kolayga

Labada gobol ee xalay wada ciyaaray ciyaarta kama dambaysta/finalka koobka kubadda Kollayga ee Saaxil iyo Gabilay ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo labada kooxoodba ay ka muuqatay firfircooni iyo xirfad dhanka ciyaarta ah oo gebi ahaanba hurdada ka duulisay marka laga tago boqolaalkii iyagu goobta fadhiyay, kumanaan live-ka kala socday ciyaartaasi xalay.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here