Ciidamada Somaliland oo Horufadhi Ka Celiyey Wefti Wasiiro Ah oo Ka Socday Maamulka Puntland

0
1995

Buuhoodle (Hargeisa Press) – Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa deegaanka Horufadhi ka celiyeen wefti Wasiiro ah oo ka socday maamul goboleedka Puntland.

Weftigan ka socday maamulka Puntland ayaa waxaa ay doonayeen inay deegaanka Horufadhi kaga qaybgalaan heshiisiinta laba beelood oo ku dagaalamay halkaasi.

Waxaanay wararku sheegayaan in masuuliyiintii ka socaday maamulka Puntland iyo ciidamadii ay wateen ay ku  noqdeen magaalada Buuhoodle.

Hase yeeshee Ciidamada Somaliland ayaa sheegay inay adkaynayaan Kaantaroolada Buuhoodle.

Sidoo kale, ciidamada qaranka Somaliland ayaa fariin digniin ah u diray maamul goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here