Carruur Dhaqan Celin Loo Sameysay oo Dib Loogu Celiyey Qoysaskoodii

0
1016
Carruurta Dhaqan Celinta Loo Sameeyay
Carruurta Dhaqan Celinta Loo Sameeyay

Hargeisa (Hargeisa Press) — Wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland ayaa maanta 14 carruur ah ku wareejisay qoysaskoodii, kuwaas oo dhaqan celin loogu sameeyey xarunta dhaqan celinta Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Waxa munaasibaddii lagu wareejinaayay carruurtaasi ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshda iyo qoyska Somalilnd, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha UNICEF, SAVE THE ChILDREN iyo qoysaskii lagu wareejinaayay carruurtaasi.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Cawaale Maxamed Muuse iyo Mas’uuliyiin ku hadlaayay afka hay’adaha UNICEF iyo SAVE THE CHILDREN, waxayna sheegeen in la gaadhay wakhtigii ay carruurtaasi ay dib ula midoobi lahaayeen qoysaskooda iyo bulshada maadaama lagu dhaqan celiyay xarunta dhaqan celinta ee Maxamed Mooge oo ay maamusho wasaaradda shaqogelintu, waxayna ugu baaqeen waalidiinta dhalay carruurtaasi in ay ahmiyad gaar iska saaraan daryeelka carruurta oo aanay dib ugu noqon halkii laga keenay.

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bushada iyo qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, oo sheegay in taageeradii ay wasaaraddu siin jirtay carruurtaasi aanay kala hadhi doonin isla markaana ay isha ku hayn doonaan carruurtaasi marka ay qoysaskooda dib ula midoobaan, isaga oo intaas ku daray in ay la xisaabtami doonaan waalidoontooda haddii ay dib ugu soo noqdaan duruuftii adkeyd ee dhaqan celinta looga sameeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here