“Cali Khaliif arrintiisu way dhamaanaysaa ma aha in mawduuc laga dhigto”… Guddoomiyaha UCID

0
711
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,  ayaa  sheegay in madaxweyne Biixi uu diyaar u yahay fulinta heshiiskii ay xukuumaddii Siilaanyo la gashay maamulkii Khaatumo.

Waxaanu uga digay siyaasiyiinta xasaasiyadaynaya heshiiskaasi in aan loo baahnayn in ay  mar-marsiiyo ka dhigtaan arrintaasi, isla markaana qodobadii lagu heshiiyay shirkii Caynaba lagu qabtay kuwa aan weli la fulin  ay xukuumadda hadda ka go’an tahay fulintoodda.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in  Prof. Cali Khaliif Galaydh  uu yahay nin reer Somaliland cid Somaliland ka leh-na aanay jirin.

“Cali Khaliif arrintiisu way dhamaanaysaa. Ma aha in nin mar-marsiiyo kale rabaa uu Cali Khaliif kiiskiisa mawduuc (issue) ka dhigto. Cali Khaliif waa nin reer Somaliland ah, waa nin dugsiga sheekh wax ku bartay, Somaliland ku abtirsadda, Somaliland-na jooga.

Heshiiska qodobo ayaa lagu wada heshiiyay  shirkii Caynaba. Qodobadii ayuun baa la soo qaadayaa, qodobka aan la fulina, waa la fulinayaa.

Laakiin, nin mar-marsiiyo kale rabaa ma aha in uu Cali iyo Khaatumo kiiskeedda isku xoq-xoqo,  looma baahna”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo maanta Hargaysa kula hadlay Bulsho TV.

 

Geesta kale guddoomiyaha UCID oo wax laga waydiiyay  dhaq-dhaqaaqyo ay Puntland ka waddo degaamadda Sanaag ayaa ku dooday in dhulkaasi ay Somaliland leedahay, isla markaana aanay Puntland sinaba u sheegan karin.

Waxaanu maaweelo iyo is-tusnimo aanay waxba ka jirin ku tilmaamay dhaq-dhaqaaqyadda uu maamulka Puntland ka waddo Badhan. Waxaanu yidhi  “Dhulku ma guuro, Sanaag Bari waa Somaliland, waanay ahaanaysaa.

Is-tusnimadda yar ee ay Puntland samaynayso iyo baabuurta la is-daba eryayo, waxba ha eegin. Dhahar waa Somaliland, Badhan-na waa Somaliland, Laasqoray waa Somaliland. Dhulkaasi waa dhul Somaliland ah.

Waa iska maaweelo, dumarka iyo caruurta lagu maaweelinayo. Dadku wuu tagaa, laakiin dhulku ma guurro”.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here