Hargeysa: Prof. Aadan Ismaaciil Oo Ka Waramay Siyaabaha Dhaqaalaha Loo Maareeyo

1
907

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Prof. Aadan Ismaaciil Xasan (Aadanweli) , oo ka mida aqoon yahanka Somaliland ee sida aadka ah ugu takhasusay arrimaha dhaqaalaha ayaa ka hadlay sida dhaqaalaha loo maareeyo.

Waxaanu sheegay Prof. Aadan in faqriga iyo baahida badan ee haysata bulshadda Somaliland ay sabab y tahay maarayn xumo xagoodda ka timid, balse haddii qof waliba uu nidaam sax ah u maareeyo hadba wixii soo gala aanay jiri lahayn dhaqaale xumo.

Waxaanu tilmaamay in aanay dadkeenu isku miisaamin baahida uu qabo iyo cadadka dhaqaalaha soo gala, isla markaana dadka qaarkood waxyaabaha ugu badan ee uu khasarashku kaga baxo ay yihiin kuwo aan daruuri ahayn.

Waxyaabaha keenay in masuuliyiinta qaarkood ay ku kacaan musuq maasuq iyo  laaluush qaadasho ay yihiin arrimo ay keentay ama ka dhashay maamul-xumadda shaqaale ee qofka shaqsiga ah.

Prof. Aadan Ismaaciil Xasan (Aadanweli), waxa uu sidan ka sheegay barnaamij ku saabsanaa arrimaha dhaqaalaha oo telefishanka Universal ku waraystay.  Barnaamijkaas oo uu ku lafo-guray macluumaadyo kala duwan oo la xidhiidha dhaqaalaha.

Halkan Hoose Ka Daawo barnaamijkaas Oo Dhamaystiran:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here