Roob Dabaylo Wata oo Ka Da’ay Degmada Salaxley oo Khasaare Kala Duwan Gaystay

0
1772

Salaxley (Hargeisa Press)- Roob xoogan oo dabaylo wata oo galabta ka da’ay degmadda Sallaxley ayaa khasaare kala duwan gaadhsiiyey goobo dowladeed iyo Guryo dadweyne oo ku yaala deegaankaasi.

Roobkan dabaysha watay ayaa khasaare soo gaadhsiiyey dugsiyada waxbarasho, Cisbitaalka iyo Guryo badan oo dadweynuhu leeyihiin iyo weliba xarunta dowladda hoose ee degmadda Sallaxley.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in hal qof oo dumar ahi ay Kooma gashay kadib markii uu ku soo dumay Cisbitaalka degmaddu.

Waxaana cisbitaalka si deg deg ah looga saaray bukaanadii ku jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here