Guddoomiyaha Mareykanka Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadashey Xaalada Guud Ee Dalku Maraayo.

0
881

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Guddoomiyaha Mareykanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Marwo:Muna Cali Fidhin oo muddooyinkii danbe ku sugneyd gudaha dalka Somaliland, ayaa si adag uga hadashey xaalada guud ee dalka, waxaana ay sheegtay in xukuumada dalka ka talisaa ay tahay xukuumadii ugu liidatay ee wadanka soo marta, iyada oo carabka ku dhufatay in ay xukuumada jirta gabtay doorkii ay ku lahayd wax ka qabashada baahiyaha aas saasiga ah ee dalka.

Marw:Muna Cali Fidhin, ayaa hadalkan ka sheegtay mar ay maanta warbaahinta ugu waramaysay magaalada, waxaana ay ugu horeyn ka warbixisay u jeedada socdaalkeeda ay ku timi dalka, iyada oo tibaaxday in ay u timi arrimo gaar ah, iyo sida oo kale sidii ay u kala warqaadan lahaayeen hogaanka sare ee xisbiga Wadddani.

“Marka hore waxaan halkan ka salaamaya guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),shacbiga reer Somaliland,taageerayaasha xisbiga Waddani,si gaarana waxaan u sii salaamayaa guud ahaanba taageerayaasha kala duwan ee North America iyo bahda Saxaafada, waxaanan leeyahay Asalaamu Caleykum, Intaa ka dib Socdaalkaygan aan ku joogo dalka Somaliland ee aan dhawaan imi, haddii Alleh idmana aan berri(Maanta) ka soo bixi doono, waxaa uu ahaa mid aniga shakhsi ahaan ii khaasa, iyo mid aanu xisbi ahaan aanu talo isagu soo noqonay oo kala warqaadasho ah, waxaana ay runtii iigu dhamaatay si sharaf leh oo guula, iswaraysigayagaas aadna runtii waa la iigu soo dhaweeyey wadankana aad ayaan uga helay, aadna waa ay u socdaan xisbiga iyo hawlihiisa kala duwaniba”Ayey tidhi Marwo:Muna Cali Fidhin.

Muna Cali Fidhin oo sida oo kale hadalkeeda sii wadata, ayaa waxaa ay ka xog warantay hawlaha ka xisbi ahaan u qabsoomay  sanadkii hore, waxaana ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ka xisbi ahaan ay ku guuleysteen in xisbiga Waddani uu dalka Mareykanka ka noqdo, xisbiga qudha ee taageerayashu si mugleh ay ugu soo biiraan, waxaana ay tidhi:“Haddii aan ka hadlo waxyaabaha runtii sanadkii hore noo qabsoomay waxaan odhan karaa waxyaabo badan oo la taaban karo ayaa noo qabsoomay ka xisbi ahaan, haddey tahay dhaqaale, taagerayaal aan xad lahayn oo ku soo biira xisbiga, oo runtii waxaan odhan karaa waxaanu halkaa ka gaadhney guulooyin aad iyo aad u badan, oo waxaaba aan odhankaa xisbiga Waddani tageerayaasha maalin kasta soo gala meel kasta oo ay tahayba ka gaar ahaaneed ee USA marka aan sheego, maalintii illaa iyo dhawr iyo kontan qof waa ay soo galaan, hadaaney kaba badneynba,taas oo ay xoog, dhaqaale, iyo mooraalba ay u hayaan xisbiga oo ay la soo galaan, waxaa runtii noo qabsoomay in aanu furno gobalo cusub oo xisbiga taageerayaashoodu ku badan yihiin, waxaa noo qabsoomay in aanu xisbiga diiwaan galintiisii bilowno, haddey USA gudihiisa noqoto mid dalka gudihiisa imanaayaba ay noqotay in aanu diiwaan galin aanu ka bilownay, waxaanu ku guulaysanay samaynta kaadhadhkii xubinimada ee xisbiga oo caddeynaysa qofka haysta in uu yahay xubin ka tirsan xisbiga Waddani oo waxii hiil iyo hooba ah ay la garab istaagaan, xisbiga Waddani waxaa mustaqbalka u qorsheysan kor u sii qaadida dhinaca dhaqaalaha iyo sida oo kale sidii ay dadka halkaa jooga uga qeyb qaadan lahaayeen diiwaan galinta”.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Mareykanka Marwo:Muna Cali Fidhin, waxaa ay sida oo kale si kooban uga hadashay sababaha keenay in xisbiga Waddani uu taagerayaal aad u tira badan uu ku yeesho guud ahaanba dunida dacaladeeda, waxaana ay carabka ku dhufatay in ay dadku ay dareemeen in xisbiga Waddani uu leeyahay hanaan cadaaladeed oo ay cid waliba ku kalsoonaatay.

“Run ahaantii xisbiga Waddani aduunyada oo dhan marka aad eegto waa xisbiga qudha ee aduunyada oo dhan ka dhisan, waayo dadku waxa ay arkeen xaalada dhabta ah ee dalka, waxaa ay akreen in wadanku maanta badbaadadiisu ay iyaga ku xidhan tahay, sidii ay uga samato bixin lahaayeen dhibaatada dadkooda iyo dalkooda meel kasta ku haysata, dadku runtii waxaa ay iska dhex arkeen xisbiga Waddani oo caddaalad, sinaan iyo horumarba uu ku dhan yahay.sidaas daraadeedna waa ta keentay in ay taageerayaashii xisbigu ay soo bataan,oo uu noqdo xisbiga kaliya ee lagu soo hirto meel walba oo aduunyada ah”Ayey tidhi Marwo:Muna Cali.

Ugu danbeyntiina, guddoomiyaha Mareykanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Marwo:Muna Cali Fidhin, waxaa ay ka hadashey xaalada guud ee dalka iyo sida oo kale waxyaabaha cajiibka ah ee dalka ku aragtay muddadii ay ku sugneyd, iyada oo sheegtay in ay aad uga xun tahay in wasiiradii loo doortay in ay u adeegaan shacbiga danyarta ah aanay haba-yaraatee fadhisanin xafiisyadii ay ugu adeegi lahaayeen bulshada qaybaheeda kala duwan.

“Runtii dawladihii hore ee ina soo maray mid walba waxbaa lagu xasuusta oo aad is odhan kartaa mid waliba meel ayaa ay wax gaadhsiisay, laakiin tan maanta aad is odhan karto waa ta ugu aayaha xun leh, ee dadka dib u dhigtey, oo shantay horumari lahaayeen ay dib u dhaceen, oo dib u celisay ayaan odhan karaa,tasaale ahaan wadanku sida kale waa u barwaaqo se dhibaatadu waxaa ay ka taagan tahay shacabku waa ay ka soo baxeen kaalintoodii, ay kulahaayeen wadanka, oo haday dhisme tahay iyo hadey dhaqaale tahayba waa ay ka soo baxeen, laakin waxaan anigu soo xaqiijiyey oo aan indhaha ka soo qadey in ay ka maqan tahay kaalintii dawladu, oo gabi ahaanba adeegyadii bulshadu nooca uu yahayba waa ay ka maqantahay, daar qurux badan ayaad ka soo dagaysaayoo dhulka aad imanayso ama aad u soo dagayso waad yaabi sida uu yahay oo dee uma dulqaadanaysid runtii waana dee kaalintii ay dawladu lahayd oo xashiis iyo wado xumo ayaa meel walba buux dhaafiyey, dawladani runtii waa dawlad jaantaa rogan ah oo runtii waxaad arkaysaa ragii xilalka sar sare loo doortay oo aan xafiisyada ay bulshada ugu adeegi lahaayeen aan soo fadhiisanayn oo gawaadhi qurux badan uun ku wareegaya magaalada oo magaca uun sita oo lagu odhanaayo waa wasiir hebel”Ayey tidhi Marwo:Muna Cali Fidhin.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here