Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Qaawiyey Kashifka Ka Muuqda Go’aanka Soomaaliya

0
1235

Muqdisho (HargeisaPress)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wada-jir ee Soomaaliya Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame, ayaa naqdiyey go’aanka ay Soomaaliya sheegtay inay xidhiidhka ugu jartay dalka Guinea, kaas oo uu ku tilmaamay mid lagu degdegay oo aan laga fiirsan.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxa uu sheegay in go’aanka ay Xukuumadda Soomaaliya qaadatay ay ka muuqdeen fudeyd iyo biseyl la’aan diblomaasiyadeed, kaasoo uu xusay inay ka faa’iidaysanayaan dad doonaya inay sii kala fogeeyaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Qoraal uu arrintaas kaga hadlayo, oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, ayuu ku sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya qaadatay go’aan qaldan iyo qadaf siyaasadeed iftiiminayo Qoraalkiisaas ayaa u dhignaa sidatan:-

“Go’aanka Xukuumadda Federaalka ahi xiriirka ugu goysay Dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudayd iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed.

Dawlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya & Jabuuti, ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh horey ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xidhiidhna uma jarin.

Haddaba go’aanka ay Xukuumadda Federaalka qaadatay waxaa ka muuqata; 1- Marba meelka dhac aan lahayn mowqif mid ah oo sugan, maadaama falalkii diblomaasiyadeed ee kuwan la midka ahaa oo horey u dhacay laga aamusay, kana halkii ugu danbeysay looga falceliyey.

2-Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeyka iyo qaangaar la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xiriir jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma ahan tan laga bilaabo.

3- Go’aanku wuxuu kala durjinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalka xidhanto.” sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

 

HargeisaPress News Desk — Muqdisho/Somalia.
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here