Buuhoodle: Go’aamo La Soo Saaray Heshiis Laba Beelood

0
824

Buuhoodle(HP): Waxaa maata go’aamo laga soo saaray heshiis nabadayn ahaa oo muddo u socday beello wada degga gobolka Buuboodle.

Shirka nabadaynta ahaa ee lagu heshiisiinayay labadaa beelood ayaa ka socday degmadda Qorilugud ee gobolka Buuhoodle.

Waxaana gebagebadda shirkaasi ka soo qayb galay maamulka gobolka Buuhoodle, maayarka degmadda Buuhoodle, iyo saraakiisha ciidamadda aagaasi.

Sidoo kale waxaa xidhitaanka nabadda shirkaasi ka soo qayb galay madax dhaqameedka kala duwan ee deegaankaasi, iyo xubnaha ergooyinka salaadiinta ah ee dhex dhexaadinayay beelahaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here