Buugga Hawaale Warran Ee Abwaan Hadraawi oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

0
885

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xaflad ballaadhan oo lagu xusayey Buugga Hawaale Warran ee uu qoray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa xalay lagu soo bandhigay Huteelka Maansoor ee caasimada Hargeysa.

Waxaa xafladaasi ka soo qaybgalay Wasiirro, Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, Xildhibaanno, Ganacsato, Suugaan yahanno iyo Boqolaal ka mid ah dadweyne ah oo lagu martiqaaday xafladaasi.

Maxamed Saleebaan Cumar oo ahaa qoraaga iyo Tifaftiraha Buugaas, ayaa sheegay in Buugga Hawaale Warran uu qalin ku qoray Abwaan Hadraawi, hase ahaatee uu isagu kombuyuutar ku qoray isla markaana tifaftiray, waxaanu sheegay in Abwaan Hadraawi uu buugaasi ku qoray tiraab uu kaga hadlay nolosha, dhaqanka Soomaalida iyo waayo-aragnimadiisii.

Maxamed Saleebaan Cumar wuxuu u mahadceliyey dadkii ka qaybqaatay in buuggaasi soo baxo, waxaanu xusay in Cabdirashiid Dahabshiil uu bixiyey kharashkii ku baxay daabacaada buuggan oo uu tilmaamay inuu qaatay muddo toban sannadood ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si qotodheer uga warramay shakhsiyada iyo kaalintii weynayd  ee uu  ku lahaa halgankii dalku soo maray, waxaanu tilmaamay in Dawladda Norway buugga Hal-karaan ee Abwaan Hadraawi laba maanso oo ku jira ay turjunteen isla markaana ay u dhigaan carruurta Soomaalida ee u dhashay dalka Norway.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu sheegay in abwaan Hadraawi uu xataa uu suugaan ku cabiray dhibaatooyinkii soo gaadhay dadka Falastiiniyiinta ah xilligii ay qabsatay Israa’iil.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu Abwaan Hadraawi yahay Shakisbiirka Somaliland, isla markaana uu u qalmo in suugaantiisa loo sameeyo keyd qaran, waxaanu tilmaamay in qaran ahaan la maamuuso Abwaan Hadraawi iyo dadka la mid ah ee waddanka u soo shaqeeyey.

Guddoomiye Faysal waxa kaloo uu sheegay in doorashadii dhawaan ka qabsoontay dalku ay Jamhuuriyadda Somaliland ka heshay sumcad ballaadhan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay buugga Hadraawi oo uu ku tilmamay mid dhaxal wanaagsan u noqonaya Somaliland, waxaanu sheegay inuu Ilaahay uga baryayo Abwaanka inuu shaafiyo oo uu ka dulqaado xanuunka hayey maalmahan.

Guddoomiye Cirro wuxuu si ka sheekeeyey taariikhdii iyo xiliyadii ay isbarteen Hadraawi waxaanu tilmaamay in halgankii dib u xoreynta dalka ay ka soo qaybqaateen mujaahidiintii hubaysnaa iyo dadkii reer Somaliland ee dibadaha joogayba.

Waxa kaloo iyaguna xaflada daahfurka Buugga Hawaale Warran ee Abwaan Hadraawi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Rooble Cabdi Muuse, Sucaad Carmiye iyo Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo dhammaantoodba ka warramay taariikhda abwaan Hadraawi iyo qiimaha suugaantiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here