Buug Laga-qoray Taariikhdii Xaaji Cabdi Waraabe oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

0
1283

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa habeenkii xalay ahayd magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland lagu soo bandhigay, buug uu qoray Abwaanka da’da yar ee Siciid Maxamuud Gahayr.

Buugga, ayaa waxaa uu Abwaanku ka qoray, Allah ha u naxriistee Xaaji Cabdikariin Xuseen oo ku magac dheeraa Cabdi Waraabe, oo ahaa nin taariikh dheer ku leh Somaliland, deegaanada Soomaalida iyo weliba dunida caalamka.

Xaaji Cabdi Waraabe, ayaa waxaa si weyn looggu xasuustaa ka shaqeynta nabadda, iyo arrimaha dibu heshiisiinta beelaha Somaliland iyo dhismaha dowladnimada.

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo buuggaasi qoray, ayaa ka warramay doorkii uu Xaaji Cabdi Waraabe ku lahaa arrimaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Somaliland.

Waxay khalkhal galiyeen noloshii magaalooyinka, iyadoo Xaaji Cabdi Waraabe, uu door weyn ka qaatey dib u heshiisiinta, iyo dhismaha dowladda Somaliland, taasoo ugu danbeyntii keentay xal nabad gelyo iyo kala danbeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here