Ciidanka Socdaalka Somaliland oo Digniin Culus Diray

0
1654

Hargeysa (Hargeisa Press) – Taliska ciidanka laanta socdaalka ee Somaliland, ayaa waxaa uu soo saaray digniin culus taas oo la xidhiidha dadka sharci-darada ku soo gelaya dalka iyo sidoo kale dadka ka dambeeya inay dalka soo geliyaan.

Taliska ciidanka Socdaalka Somaliland, ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan cidkasta oo dalka soo gelisa dad aan sharci haysan.

Waxaanu taliska ciidanka Socdaalka Somaliland sheegay in xeer dhawaan uu meelmariyey golaha Wakiillada Somaliland oo la xidhiidha xeerka tahriibta uu noqon doono ka ay u cuskan doonaan ciqaabta uu mudan doona qofka dalka keena dadka aan sharciga haysan, isla markaana in uu xeerkaasi ka adag yahay kii hore u jiray, uuna dhigayo oo uu xaq u siinayo laanta ka hortaga dadka aan sharciga haysan inay la wareegi karaan gaadiidka loo isticmaalo keenista dadkaas.

Qoraalka ka soo baxay ciidanka socdaalka Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:-

“Wargalin iyo digniin muwadiniinta gaadiidleyda ah ciidanka socdaalka Jamhuuriyadda Somaliand   wuxuu uga digayaa muwaadinkasta oo ka qayb qaadanaya fududeeynta tahriibta sharci darada ah sifo kasta ha ahaate oo lagu caawinayo in ay dadka sharci darada ah soo galaan dalka ama ku dhax joogan dalka si sharci daro ah.

Waxaa lagu qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan cidkasta oo ku lug lahayd sida darawaliinta, mulkiilaha gadiidka iyo kuwa fudeydinayaba. isagoo xeerka cusub ee tahriibta “101/2021 xeerka ka hortaga iyo xakamaynta ka ganacsiga dadka” lagu qaadi doono.

Xeerkaas oo ka ciiqaab adag kuwii hore ee lagusoo dhaqmayay awoodna u siinaya ciidanka socdaalka in ay la wareegan gaadiidka loo isticmaalay tahriibinta, halka shakhsiyaadka kuluglehna la marinayo ciiqaab adag oo u dhaxaysa 2 sano ilaa 10 sano oo aan iib lahayn sidoo kale ay raaci karaan duruufaha danbiga cusleeya.

Hadaba muwaadin ka digtoonow in aad kulug lahaato nooc kasta oo ka qayb qaadasho ah, fududeeynta, caawinta iyo dhiiri galinta tahriibta.

Ciidanka socdaalka oo hirgalinaya xeerkaas cusub wuxuu soo qabtay 3 baabuur oo siday 133 qof kuwaas oo iskugu jira rag iyo dumar, waxaana muwadininta fududeysay iyo darawalintaba, maxkamadda g/m/jeex ku xukuntay xukuno kala duwan oo u dhaxaysa 3 sano ilaa 4 sano oo xadhig aan iib lahayn ah, halka mulkiilayasha gadiidka lagu xukumay lacag tiro badan.muwaadin iska jir kuluglahaanshaha tahriibta aan sharciga ahayn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here