Burco: Xildhibaan Bidhi Oo Daawooyin Gaadhsiiyay Barokaceyaasha Xaafadda 18-ka May

0
1245

Burco (HP): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa maanta daawooyin iyo agab nadaafadeed gaadhsiiyay dadka barokaceyaasha ah ee degan xaafadda 18-ka May ee magaaladda Burco.

Xaafadda 18-ka May ee magaaladda Burco oo ay ku nool yihiin qoysas barokaceyaal oo tiradoodu gaadhayso 2000 oo qoys ayaa ka mid ahaa dadkii ay dawladda hoose ee Burco ka soo rarrtay xaafadda Fadh-fadhiisay ee garoonka diyaaradaha Burco.

Bulshadda ku nool xaafadda 18-ka May ayaa qaba baahiyo kala duwan oo dhinaca nolosha ah, sida biyo la’aan, caafimaad la’aan, waxbarasho la’aan iyo waxyaabaha nolosha aadanaha aasaasiga u ah.

Agabkaasi caafimaad iyo daawooyinkaasi ayuu xildhibaan Bidhi, ku wareejiyay guddiga xaafadaasi. Iyadoo dadweynaha xaafadaasi ay si weyn ugaga mahad celiyeen xildhibaanka caawimadda uu soo gaadhsiiyay.

Xildhiban Mubaarig Bidhi, ayaa ka warbixiyay baahiyaha nololeed ee ay qabaan bulshadda xaafadda 18-ka May iyo qaybaha daawooyinkaasi iyo agabka caafimaad ee uu ku wareejiyay guddiga xaafadaasi.

Waxaanu yidhi, β€œSaddex qaybood ayay ka kooban tahay xaafadani. Qaybta mujaahid Kur Libaax, qaybta mujaahid Boos iyo qaybta mujaahid Maloosh. Dad ilaa 2000 oo qoys ka badan ayaa halkan degan.

U jeedadda aan u imi waxay ahayd in aan u kuur gallo xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkani. Iyadoo ay muhiim tahay nadaafadda in aanu ku wacyigelino, oo ay xil iska saaraan Fara-xalka”.

Waxaanu intaas raaciyay, β€œWaxaan doonayaa in aan ku wareejiyo guddiga xaafadda, Taydh (Oomo), iyo Saabuun Ditol ah, iyo daawooyin aan ugu tallo galnay, dadweynaha xaafadan degan” ayuu yidhi Mubaarig Bidhi.

Geesta kale xildhibaan Bidhi, ayaa ugu baaqay xukuumadda dhexe ee Somaliland, hay’adaha iyo qurbe joogta in ay wax ka qabtaan baahiyaha nololeed ee haysta bulshadda xaafadda 18-ka May ee Burco.

Waxaanu yidhi, β€œDadka tiradda badan ee xaafadan degani, adeegyadda caafimaadka ma haystaan, waxbarasho ma haystaan, biyo ma haystaan. Dhamaanba adeegyaddii nolosha aasaaska u ahaa ma haystaan.

Waxaan ka codsanayaa xukuumadda dhexe ee Somaliland, hay’adaha iyo qurbe joogaba, in ay wax la qabtaan dadkan fara badan ee baahiyuhu haystaan”.

Caawimadan uu xildhibaan Bidhi, gaadhsiiyay qoysaska barokaceyaasha ah ka soo ururiyay qaar ka mida Farmasiiyadda magaaladda Burco.

Kuwaasoo ah kala ahaa Mubaarig pharmacy, Sacaada diin Pharmacy, Togdheer hospital, iyo Najax pharmacy, halka qaybta kale-na uu bixiyay xildhibaan Mubaarig Bidhi, laftiisu.

Dhinaca kale guddiga xaafadda 18-ka May iyo dadweynaha xaafadaasi ayaa xildhibaanka uga mahad celiyay daawooyinka iyo waxyaabaha nadaafadda ee uu soo gaadhsiiyay.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here