Boqor Badmadow oo ka Hadlay Dagaalkii Dhex Maray Ciidamada Badda Somaliland Iyo Kuwa Djibouti

0
1007

HARGEISA, (HargeisaPress) —Boqor Axmed Maxamed Xasan (Badmadow ) oo ka mid qorada waaweyn Ee Somaliland gaar ahaa boqorka Subeer Awal ayaa, markii ugu horeysay ka hadalay war uu TV Djibouti ka baahiyey dagaalkii bada ku dhex maray ciidanka bad jabuuti iyo ciidanka bad ee Somaliland.

 

Boqor badmadow waxuu ugu baaqay bushada reer Somaliland inay is tajiyaan isle markaana aanay wax colaad ah u qaadin walaalahooda Djibouti.

 

“ maal mahan u dambeeyey waxaa aad iyo aad loo hadal hayey dagaalkii bada ku dhexmaray Ciidamada labad dal ee Somaliland iyo Djibouti kaasi oo aan wali war -cad ilaahada laga soo saari laakiin hadalo khaldan oo aanay bushada reer Somaliland aanay jeclaysal ay ka soo bexeen Tvga jabuuti anigu waxaan leeyahay Hadii TV Jabuuti Baahiyey War Qaladan Macno Heedu Maaha jabuuti oo dhan Baaqaldan baa qaladan sidoo kale maaha macno heedu maaha Dalka jabuuti iyo madaxdiisa ayaa, qaladan Madaxweynaha Jabuuti waa madaxweyne Jecel Nabada jecel waa madaxweyne aan Somaliland marnab xumaan u quudhay intii Arinkaasi dhacay majirto war rasmi ah oo madaxda jabuuti ka soo baxay majiro Markaa waxaan leeyahay hal dajiyo xaalada jabuuti waa dalkeenii labaad waa walaaleheen.

 

Misa warbaahin qaldanta maalintii waa ognahay taasi maaha wax cusub Qaladka Tvga jabuuti maaha wax la buun buuniyo oo ;labad umadood ee walaalaha ah xumaan loogu kale turjumo , mana ah in xaalada la siyaasadeedo Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed waran Cade waa waan ku hanbalyey nayaa talaabada geesi nimada leh eek u dhac leh ee uu ku tagay jabuuti waxaan leeyahay kuwa Wasiir Waran Cade ee daynaaya waxaad tihiin Ey Dhaar Ciyey Wasiirku waxuu gudanayaa Howl qaran oo uu u xilsaaran yahay Faro galinta iyo Hadala meelka dhac ah halaga Daayo Hadii aanu madax dhaqameedkii dalka nahay wasiir waanu kugu garab taaganahay arintaas.

 

Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay ha dhageysanin warxumo tashiilka iyo inata xumaha jecel.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here