Booliska Soomaaliya oo Qabtay Lacag Dollar Ah oo Ka Timid Dalka Kenya

0
889
Lacagta Dollarka ah ee lagu qabtay Muqdisho
Lacagta Dollarka ah ee lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Hargeisa Press) – Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabatay lacag cadadkeeda aan la sheegin oo ka timid dhinaca Kenya.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xassan Maxamed ayaa sheegay in lacagtan oo ahayd cadad ahaan mid aad u badan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo ka soo gashay dhinaca dalka Kenya.

”Waxaan bogaadinayaa ciidanka saldhiga Booliiska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo iyagu ku guuleystay in ay lacagtan gacanta ku dhigaan, waxaa socda baadhitaan arintan la xidhiidha.

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo ay bixiyeen laamaha Amniga Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer oo hore sidan oo kale Soomaaliya u qabatay lacago ay ku tilmaamtay sharci darro oo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here