Hargeisa (Hargeisa Press) โ Waxaa qaybo ka mid ah goboladda iyo Degmooyinka Somaliland ka curtay roobakii guโga, iyadoona roobakani ay biyo dhigeen deeganada ay ka daโeen islamarkaana dadka iyo duunyaduba ay ka cabeen.
Deegaano badan oo Somaliland ah waxaa bilihii la soo dhaafay ka taaganaa abaaro aad u baโan oo saameeyay dad iyo duunyaba, iyadoona ay arintani sababtay in dadkaasi ay qaxaan guryahoodii.
Dhibaatada ugu badan ee deegaanadaasi ka jiray ayaa ahayd biyo laโaan, maadaama aanay jirin ceelal biyood oo deegaanadaasi ka qadon islamarkaana ay dadku ka cabaan.
Magaalooyinka iyo Deegaanada ay roobabkaasi guโgu ka curteen waxa ka mid ah Boorama, Wajaale, Gabiley, Sanaag, Daad-madheedh, Dila, Cali-xaydh, Baki iyo qaybo ka mid degmada Qolu-jeed.
Qaar ka mida maamulada gobolada iyo degmooyinkaas ay ka curteen roobabkaasi ayaa sheegay in roobabkaasi aanay wax dhibaato ah u gaysan magaalooyinkaas iyo deegaanadaas ay ka curteen, waxaanay intaas ku dareen in magaalooyinkaas iyo deegnaanada aanay roobabkaasi ka diโinna uu ka jiro jawi roobban ahi, daruurana ay dul hoganayaan.
ย Reer guuraaga iyo beeralleyda ku nool deegaanada Somaliland ayaa sheegay in roobabkaas ay ku diirsadeen maadaama roobabkii guโgu ay sannadkan dib uga dhaceen xiligii la filayay.
Geesta kale, Wasaaradda beeraha Somaliland, ayaa maanta bilowday in ay beeralayda dalka u qaybiso abuur waddani ah oo ka kooban Galay, hadhuudh iyo Diggir.
Abuurkan Waddaniga ah oo muddo 3 sano iyo badh ah ay waasaaradu ku kaydinaysay xarunta cilmibaadhista beeraha ee Abuuriin, ayaa la gaadhsiin doona beeralayda.
Wakhtiyada roobabku ka daโaan Somaliland ayaa dooxyada waa weyn ee u dhaxeeya gobolada dalku waxay qaadaan gaadiid iyo dad doonaya inay ka gudbaan.
Hargeisapress Desk