Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Ee Dib U Dhacay

0
810
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale hadana kamid h siyasiyiinta madaxa banaan ayaa ka hadlay wada hadaladii dalka turkiga uga furmi laha dawlada Somaliland iyo somaliya.

 

Waxaana uu Boobe Yusuuf Ducaale sheegay inay wada hadaladaasi yihiin kuwo aan macno wayn ugu fadhiyin Somaliland isaga oo sheegay inay yihiin hadalo madhalays ah, waxaana uu sidoo kale Boobe xusay xubnaha Somaliland ka taga eek a qayb gala wadahadaladaa ay yihiin kuwo aaan wax macno leh kusoo kordhinayn.

 

Boobe oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.β€œWax alaale wax ka jiraa ma jiraan wada hadaladaas Somaliland iyo somaliya, horta dawlada turkigu way ina marti qaadaayoo Somaliland iyo Somaliyaba way u yeedhaa,nimanka yidhaahda jamhuuriyada Ayaan matalnaayoo ee tagay dhamaantood basaboor ajaaniba ayay ku dhoofaan, dawlada turkiga oo iyadu doonaysa inay yimaadaan ma waxaad doonto inaad ula tagtabaa waadigaa arkayo yaryarkii kubada Somaliland ug tagay intaaso dal ayay sii mareen bassaboorka Somaliland ayay kusii mareen, horta marka hore nimankan daacad haka ahaato oo dhab haka ahaato, mushkilada dalka haysataana waa taas wax alaale wax Somaliland loogu maqan yahay ma jiran wada hadaladaasina waa madhalays wax natiijo ah oo kasoo baxayaana ma jiraan”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Boobe Yuusuf Ducaale

 

SI kasteba ha ahaatee hadalkan maanta kasoo yeedhay mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa kusoo beegmaya kadib markii uu baaqday wada hadaladii Somaliland iyo somaliya ee k furmayay dalka turkigam isla markaana dib loo dhigay.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here