Biyo La’aan Ka Taagan Qorilugud iyo Qaylo-dhaanta Maamulka Degmadda

0
600

Qoriugud (Hargeisa Press.com): Xaalad biyo la’aaneed oo aad u daran ayaa laga soo sheegayaa degmadda Qorilugud oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, kadib markii uu jabay ceelkii Riig biyoodka ahaa ee degaankaasi ay ka cabi jireen.

Waxaana la sheegay in degmadda Qorilugud qiimaha Foostadda biyaha ah uu ka marayo 32000 kun oo shilling, iyadoo biyaha looga soo dhaamiyo ceel biyood ku yaalla Coodanle.

Sida uu sheegay guddoomiyaha degmadda Qorilugud Maxamed Faarax Juq-ku-naban, oo maanta u waramay Bulsho TV,  isagoo sheegay in laba ceel biyood oo ay Qorilugud dadkeedu ku tiirsanaayeen in labadiiba ay fadhiisteen.

Waxaanu qaylo-dhaan u diray xukuumadda Somaliland oo uu ka codsaday in biyo dhaamis lala soo gaadho dadka degaankaasi.

Maxamed Faarax Juq-ku-naban, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Degaankan laba sanadood roob ma helin. Roobabkii helayna biyo-dhig kama badnayn. Ceelkii  Riigga ahaana wuu jabay, markii uu jabay kadib-na wuu dumayba.

Ceelkaasi oo ahaa mid naafac badan lahaa, oo dadka iyo duunyadda degaankani ay ka cabi jireen. Ceelkaasi isagu meesha wuu ka baxay”.

Sidoo kale guddoomiye Juq-ku-naban, waxa uu intaas raaciyay in ceelkii ku yaallay meesha loo yaqaano Qabri-huluul uu isna jabay.

“Waxaa isna fadhiya ceelka Qabri-huluul, oo isagu-na laf-dhabar u ahaa degaankan. Degmadda waxaa ka shaqaynaya ceelka Coodanle oo keliya”ayuu yidhi guddoomiyaha Qorilugud.

Waxa kaloo uu  sheegay guddoomiye Juq-ku-naban,  in  degmadda Qorilugud Foostadda biyaha ah qiimaheedu marayo 32000 kun oo shillin, iyadoo biyaha looga soo dhaamiyo Coodanle oo masaafo ahaan aad uga fog Qorilugud.

Iyadoo biyaha laga soo dhaamiyo Coodanle ay yihiin Qadhaadh oo aanay dadku cabi Karin, sida uu guddoomiyuhu sheegay. “Gudaha degmadda Qorilugud Foostadda ahi waxay ka maraysaa $4 dollar, oo u dhiganta 32000 kun oo shillinka Somaliland ah.

Qorilugud biyaha waxaa looga keenaa Coodanle iyo Bali-calanle, oo Baraagaha biyaha laga soo iibiyaa, ama Riigga ayaa laga soo dhaamiyaa. Biyaha Riigu-na way yaro adag yihiin, oo dadku ma cabi karaan”ayuu yidhi guddoomiyaha Qorilugud.

Geesta kale guddoomiyaha degmadda Qorilugud ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland in sida ugu dhakhso badan wax looga qabto xaaladda biyo la’aaneed ee soo food saartay dadka iyo duunyadaba.

Waxaanu tilmaamay in la dayactiro ceel biyoodkii riigga ahaa ee degmadda Qorilugud ay ka cabi jirtay oo jabay, isla markaana u baahan in wax laga qabto.

Isagoo fariintaasi dirayayna waxa uu yidhi “Waxaan ka codsanayaa xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda biyaha in sida ugu dhakhso badan ceel loo hello.

Waana in ceelkii Riigga ahaa ee Qorilugud, oo qalabkiisii kale dhan yahay, haddii ay tahay Darrarkii iyo haddii ay tahay Taangiyadii in la hagaajiyo. Waxaanan mar labaad aad uga codsanayaa xukuumadda waa in sida ugu dhakhso badan ceel loo hello”.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmadda Qorilugud Maxamed Faarax Juq-ku-naban, waxa uu ku baaqay in si deg deg ah biyo dhaamis loola soo gaadho dadka degaankaasi.

Waxaanu yidhi “Dadku waxay u baahan yihiin biyo dhaamis deg deg ah. mana iibsan karaan Foostadda biyaha ah ee qiimaheedu marayo 32000 kun ee shillin. Xaalad adag oo biyo la’aaneed ayaana ka jirta degmadan Qorilugud”.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here