UCID iyo WADDANI oo Si Adag Uga Hadlay Mooshinkii Kordhinta Xubnaha Gudida Dorashooyinka Ee Golaha Wakiiladu Laaley

0
847

Hargeisa (Hargeisa Press) –Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa si adag uga hadley mooshin golaha Wakiilada Somaliland maanta laalay oo lagu dalbanayey in waxka beddel lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Goleyaasha deegaanka, xeerkaasi oo sababta wax looga beddelayey ahayd in 2 xubnood oo cusub lagu daro komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo hadda tiradoodu tahay 7 Xubnood.

Guddoomiyaha kulmeel gaadhka ah ee ah  ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in golaha Wakiilada ay afduubatay Xukuumada Madaxweyne Biixi, Islamarkaasina aan ahayn kuwo madax-banaan.

Dhinaca kale, Murahax ku xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Prof, Axmed Cabdi Muuse (Abyan), ayaa sheegay in Xukuumada Somaliland ay dabooshay rajadii ahayd in dalka Doorasho ka dhacdo.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here