Berbera oo Kalluun Yaraani Soo Food Saartay

0
806
Somalia --- Berbera Town and Port --- Image by © Yann Arthus-Bertrand/CORBIS

Berbera (Hargeisa Press) – Magaalada Bebera ee xarunta gobolka Saaxil ee Somaliland oo ay ku taalo dekeda ugu weyn ee laga soo dajiyo Kalluunka ayaa waxa saddexdii maalmood ee u dambeyeyey laga dareemeyey kalluun yaraan xoog leh oo jirta.

Sidoo kale waxa xidhan meheradii waaweynaa ee kalluunka lagu soo dajin jiray ee loo yaqaanay processor-ka, kuwaas oo qaybo ka mid ah gobolada Somaliland u kala diri jiray kalluunkaasi.

Waxa sidoo kale xidhan goobihii iyo meheradihii lagu shiili jiray kalluunka oo ay isticmaali jireen dadka ku dhaqan magaalada Berbera, waxaana inta badan la iska dhigay doonyihii keeni jiray kalluunka oo la iska dhigay dekedan Berbera.

Sidoo kale kalluun yaraantay soo food saartay magaalada Berbera ayaa waxay kordhisay qiimaha lagu iibiyo kalluunka ay magaalada soo galiyaan midhadh doonyo ah oo kalluun tiro yar sida.

Dhinaca kale, Qaar kamida Kaluumaysatada magaalada Berbera ayaa waxa ay sheegeen maadaama oo xiligan ay tahay xiligii ay ka dhici jireen Badda dabayn xagaagu in dabayshaasi ay sabab u tahay Kalluun yaraanta, sidaa darteedna aan badda la gali karyan.

Kalluumaysata magaalada Berbera ayaa sheegay in wakhti xaadirkan Kiilooga Kalluunka ahi uu magaalada Bebrea uu ka marayo SLSH20,000.

 

Hargeisa Press.com/Berbera Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here