Tahriibayaal Itoobiya U Dhashay oo Lagu Dilay Dulleedka Hargeysa

0
619

Hargeisa (Hargeisa Press)- Laba Ruux oo Dumar ah oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromiya ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay dulleedka magaalada Hargeysa kaddib markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaadhigii ay la socdeen.

Taliye Ku-xigeenka Booliiska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in rasaaseyntaasi kaddib ay sameeyeen howlgal ay ku soo qabteen dadkii ka dambeeyay dilka tahriibayaasha u dhashay Itoobiya.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dadkan oo ay baacsanayeen ciidamada ka hor inta aan la qaban ay gudaha u galleen guri aan ka fogeyn halka uu weerarku ka dhacay kaas oo laga helay markii ay ciidamadu gudaha u galeen in ka badan 800 oo Liitar oo Khamri ah.

”Dableydan weerarka geysatay wey Sarkhaan sanaayeen, guriga ay doonayeen in ay gabaad ka dhigtaanna waxaa laga soo helay Khamri ka badan 800 oo Liitar, gaadhigii ay wateen dableyda iyo kii ay Tabriibayaasha ku socdaalayeen labaduba hadda waxaa ay ku jiraan gacanta Laamaha Amniga ” ayuu yidhi taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa uu dhaawac ka soo gaadhay qaar ka mid ah dadkii saarnaa gaadhiga oo la sheegay in dhamaantood ay ahaayeen Tariibayaal.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here