Beeralayda Deegaamo Ka Tirsan Gabiley Oo Qalab La Gaadhsiiyay

0
555

Gabiley (Hargeisa Press): Wasaaradda beeraha Somaliland iyo haayadda Phara foundation ayaa qalab kala duwan gaadhsiisay beeralayda deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley.

Qalabkaasi oo isugu jiray Qarbadadda Berkadaha, qaabka loo isticmaallo hanaanka waraabka casriga ah iyo sidoo kale qalabka beeraha lagu qoto oo kala duwan. Oo ay gaadhsiiyeen beeralayda deegaamadda Botor, Ilinta, oo ka tirsan gobolka Gabiley.

Agaasimaha guud ee  wasaaradda beeraha Somaliland Rooble Cabdi Muuse, oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday haayadda Phara foundation, ayaana qalabkaasi gaadhsiiyay  beeralayda  ka mida meelaha ay gacanta ku hayso haayadda Phara foundation oo ka mida haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda beeraha Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha ayaa sheegay in mashruucan ay Phara foundation fulinayso ee ah in dadkii beerro roobaadka haystay, in loogu raro, beer waraab ama bustaan, uu  ka mid yahay   tabaha loo mari karo si aynu u gaadhno isku filaanshiyo cunto.

Waxaanu tilmaamay in ka wasaarad ahaan si loo hiigsado yoolka xukuumadda ay  ka go’an tahay in la   horumariyo wax soo saarka beeraha, Tabaha lagu horumarinayona ay ka mid tahay in beerta loola dhaqmo in qofka beer lihi uu fahmo inuu yahay qof hantiile ah.

Rooble Cabdi Muuse, ayaa uga mahad celiyay haayadda Phara foundation  mashruucani iyo Berkadahan ay dadka ka caawisay.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here