Madaxweyne Cag Jar Oo Xadhiga Ka Jaray Dhaam Biyood

0
520

Jarar (HP): Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xadhiga ka jaray Biyo-xidheen ay xukuumadu ka hirgelisay degmadda Dhagax Madow ee gobolka Jarar.

Biy-xidheenkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 75000, oo hegtar waxaa ku baxday lacag dhan 71 milyan oo Birr.

Waxaana la qorsheeyay in ay ka faa’iidaystaan bulsho tiradoodda lagu qiyaasay 60,000 oo qof iyo xoolo dhan 48000 neef.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Dhaam biyoodkani uu wax badan ka bedeli doona nolosha bulshadda gobolka Jarar, haddii si fiican looga faa’iidaysto.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here