Barnaamijka Kasmaal oo laga daahfuray Hargeysa kaas oo bisha Ramadaan oo ay soo saarto shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL

1
2611

Hargeysa,(HargeisaPress)— Xafladda furitaanka barnaamijka oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin kala duwan waxa ugu horayn ka hadlay Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi Madaxa suqgeynta ee shirkadda Somtel iyo soo saaraha Barnaamijka Kasmaal Cabdirisaaq Cismaan kuwaas oo ka waramay marxaladahii uu soo maray Kasmaal.

Waxay xuseen in sanadkan barnaamijka lagu soo kordhiyay in qofka si toos ah loogula xidhiidhi doono goobta uu ku sugan yahay. Madama laga hor tagayo faafitaanka xanuunka halista ah ee covid-19.

Maxamed Beddel iyo Yuusuf Shaacir oo ah abwaanada soo diyaariya su’aalaha barnaamijka ayaa iyana ka waramay qaabka ay u diyaariyaan su’aalahaasi.

Maxamed Sulub Madaxa xidhiidhada ee Jaamacadda Hargeysa ayaa shirkadda Somtel ku bogaadiyay barnaamijka aqoon kororsiga ah ee Kasmaal.

Maxamed Xasan Cali Waji agaasimaha TV-GA Qaranka ayaa ugu dambayn halkaas ka hadlay waxanu xusay in barnaamijka Kasmaal uu yahay mid kobcinaya aqoonta bulshada.

Barnaamija oo xalay si Toosa looga baahiyay Telefeshanka Qaranka Halkan hoose ka Daawo 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here