Eng. Ismaaciil Jumayka Oo Ka Warbixiyay Barnaamijka ‘Walaal Ila Orod’ Oo Uu isagu Curiyay

0
2701
Mahad Kadleeye iyo Eng. Ismaaciil Caydiid

Malmö (HargeisaPress)- Eng. Ismaaciil Caydiid Aadan (Jumayka), oo ka mid ahaa ciyaartoygii waaweynaa kubbadda cagta ee soo maray Soomaaliya, ayaa ka  warbixiyay barnaamij uu dhawaan bilaabay.

Barnaamijkaasi oo magaciisa la yidhaahdo (challenge)  loona bixiyey; ‘walaal ila orod’, kaasoo loogu talogalay in dadka Soomaalida ah sameeyaan jimicsi iyo orod badan oo ay ku xoojiyaan habka difaaca jidhkooda.

Ciyaartoyga hore oo waraysi kooban siiyey Mahad Kadleeye oo ka tirsan bahda HargeisaPress.com, waxa uu sheegay in ujeedada uu ka lahaa barnaamijkan orodka ah ay ahayd inuu dadka ku dhiirigeliyo jimicsiga badan iyo orodka joogtada ah, si ay jidh ahaan u yeeshaan hab difaac ah oo ay kula dagaalamaan xannuunkan Covid-19.

Waxaanu yidhi, “Fikirkani waxa uu daaran yahay sidii ay Soomaalidu jidh ahaan u heli lahaayeen difaac ee dhinaca caafimaadka, maskaxiyan iyo dhinac walba, maadaama aan anigu markii hore samayn jiray tababarka.

Waxay taasi igu kaliftay in aan la wadaago dadka Soomaalida ah ee dunida daafaheeda ku nool, sidii ay u dhisi lahaayeen habka difaaca jidhkooda, maadaama la sheegay in xannuunkan Covid-19 ee dunida saameeyey, iyadoo la sheegay in dadka ugu badan ee xannuunka u dhintay ay yihiin dadka madawga ah iyo Soomaali badan”.

“Markii ay dhakhaatiirtu arrintaas eegeena waxay sheegeen in dadkaas dhintay aannu jidhkoodu difaac badan oo adag lahayn, jimicsi may samayn jirin, may ordi jirin, sidaa darteed ayey dadka kale cudurradu ugu yar yihiin, taas ayaana keentay in aan bilaabo barnaamijkan dadka lagu dhiirigelinayo,” ayuu yidhi Ismaaciil Caydiid.

Waxaannu dadka Soomaalida ah kula taliyey inay sameeyaan jimicsi badan, si jidhkoodu u heli difaac xooggan oo ay iskaga difaacaan xannuunkan halista ah ee Covid-19, isla markaana ay maskax ahaan caafimaad qabaan.

Barnaamijka cusub ee la yidhaahdo; ‘walaal ila orod’ waxa uu yeeshay taageerayaal iyo dad aad u badan oo ku biiray, iyadoo baraha bulshada (Social Media) lagu arko dad badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada oo samaynaya orod iyo jimicsi.

Haddaba, Mr. Ismaaciil Caydiid oo la weydiiyey sababta keentay in barnaamijkiisa cusub oo mar qudha helay taageero badan, isla markaana uu dad badan ku qanciyey inay sameeyaan orod jimicsi ah.

Waxa uu ku jawaabay; “Waxa ii fududeeyey magaca iyo sumcadda aan bulshada ku dhex lahaa, magacuna ma duugoobo, waana suurtogal inay jiraan dad badan oo aan i garanayn, laakiin dad badan oo kale oo ku nool daafaha dunida oo garanaya xiligii iyo waqtigii wanaagsanaa ee aan soo qaatay (xiliyadii uu ciyaaraha ku dhex jiray) oo weli tixgelinteedii ii haya, ayey abaalkoodii noqotay in aan ku guubaabiyo, kuna dhiirigeliyo oo aan u sheego in shayga ugu fudud ee ay ku heli karaan caafimaad, jidhkooduna difaac ku heli karo, cudur walbana oo soo saameeya dunidana ay jidh ahaan iskaga difaaci karaan, mana hilmaamayo sida wanaagsan ee ay ii sharfeen ee ay taladaydii u qaateen.”

Waxa kaloo uu u mahadnaqay cidkasta oo kala qaybqaatay barnaamijkan orodka ah ee dadka lagu dhiirigelinayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin Siciid Galgaduud oo ahaa ciyaartoy hore oo u soo ciyaaray naadigii Horseed iyo xulkii qaranka Soomaaliya, Mahad Kadleeye, gabadh la yidhaahdo Saynab Axmed Cali oo degan dalka Norway, Maxamuud Cabdirisaaq oo jooga dalka Canada iyo dad kale oo uu xusay inay aad u badan yihiin, isagoo iftiimiyey in orodka iyo jimicsigu faa’iidooyin kala duwan ay u leeyihiin dhismaha habka difaaca jidka iyo caafimaadka guud ee dadkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here