Barnaamijka Galka Baadhista VOA oo Kashifay Sirta Shirkadaha Forex Ee Soomaaliya

0
2075

Muqdisho (Hargeisa Press)- Barnaamijka Galka Baadhista ee idaacadda VOA ayaa soo bandhigay xaqiiqda waxay ay yihiin shirkadaha sarifka lacagaha ee online-ka ee loo yaqaan Forex ee ka howl-gala Soomaaliya.

Baadhitaanka uu sameeyey barnaamijka Galka Baadhista ayaa lagu sheegay in ganacsigaan uu yahay mid mugdi ku jiro, gaar ahaan qaabka ay u adeegsadaan shirkadaha ka jira Soomaaliya.

Baadhitaanka ayaa lagu ogaaday inaanay jirin wax ganacsi ah oo ay shirkadahan ay sameeyaan, balse qaabka ay u shaqeeyaan uu yahay in lacagta laga qaado qofka cusub la siiyo qofka dambe.

Marka muddo sidaas ay howshu u socota, oo dad badan ay soo galaanna mar qudha lacagta laga gooyey, taasi oo marar badan uga dhacday dalal badan.

Sidoo kale, waxaa barnaamijkan lagu caddeeyey in shirkadahan ayna wax sharci ah ka heysan dowladda Soomaaliya isla markaasna ay lacagaha isugu gudbiyaan qaab sharci darro ah.

Barnaamijka Galka Baadhista ayaa ka jawaabay su’aalo badan oo ku saabsan shirkadahan oo ay ugu muhiimsanaayeen waxa ay yihiin, sida ganacsigoodu u shaqeeyo, maxaa ka run ah faa’iidada ay dadka u ballan-qaadaan, xagee la geeyaa lacagta shacabka laga qaado iyo qodobo kale.

Haddaba halkan hoose ka dhageyso barnaamijkan oo uu soo jeedinayo Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA.

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here