Caruur Walaalo Ah oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Guri Ku Yaala Hargeysa

0
1366

Hargeisa (Hargeisa Press)- Laba caruura oo walaalo ah ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, kadib markii uu dab naxdin leh qabsaday Gurigoodii oo ku yaalay xaafada Jameecada ee magaalada Hargeysa.

Caruurtan ayaa u geeriyooday dhaawacyo culus oo ka soo gaadhay dabkaasi ka kacay gurigooda, xili ay Ciidamada Dab-demiska Somaliland ay ku howlanaayeen daminta dabkaasi.

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa Labadan caruurta ah ee walaalaha ah ayaa dhaawacyo culus u geeriyoodeen xili lagu howlanaa bad-baadintooda.

Ciidamada Dab-demiska ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay damiyaan dabkaasi qabsaday guriga ay ku jireen Labadaasi caruurta ah, kaasi oo ka sameysnaa Jiingad.

Dadka xaafadaasi degan ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin masiibadan ay ku geeriyoodeen labadaasi caruur, iyagoona xusay inay aad uga walaacsan yihiin xaalada la soo daristay qoyska dhalay caruurtaasi.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here