Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawlada oo loo Furay Tababar ku Saabsan hab raaca sharciga ah ee Shaqaalaha dawlada

0
676

Hargaysa,(HargeisaPress)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda Farxaan Aadan Haybe ayaa agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda waxa uu u furay tabo bar ku saaabsan 16-ka Habraac Sharciga ee shaqaalaha Dawladda.

Kulankan oo ka qabsoomay magaaladda Hargeysa waxa diiradda lagu saarayay sidii loogu dabiqi lahaa shaqada 16-ka habraac Sharci ee lagu maamulayo shaqaalaha Dawladda ee kala duwan.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Fraxaan aadan Haybe ayaa si qoto dheer uga hadlay sharaxaadna ka bixiyay habraacyadan faa’iidooyinka ay u leeyihiin shaqaalaha iyo kuwa lagu xakamaynaayo waxana masuuliyiintii ka soo qayb galay madashaasi uu kula dardaarmay inay shaqada ay qaranka u hayaan ay ku dabaqaan 16-ka habraac ee sharciga.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ee Dawladda waxa kale oo uu ka hadlay inay Hay’adda shaqaalaha Dawladdu u taaganatahay dabogalka,dargelinta, xaqsiinta, xulista iyo dalacsiinta shaqaalaha kala duwan dawladda JSL, waxa kale oo uu ku dheeraaday horumarka dhanka shaqada iyo shaqaalah ee ay Hay’addu ku talaabsatay mudooyinkii danbe.

Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maalgashiga ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan 16-ka habraac sharci ee shaqaalaha Dawladda Somaliland   waxa kale oo ay u mahadneqeen Masuuliyiinta Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here