Baligubadle: Tartanka Kooxaha Horyaalka Kubbadda Cagta Hawd Oo Furmay

0
358

Balligubadle (HP): Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta magaalada Baligubadle ka furtay tartanka ciyaareedka Kubbadda cagta ee naadiyada heerka koobaad ee gobolka Hawd.

Tartan ciyaareedkaasi oo soconaya muddo bil ah waxaa ka qayb galaya siddeed kooxood oo ka mid ah kooxaha Kubbadda cagta ee  ka dhisan degmooyinka gobolka Hawd.

Waxaana tartanka ciyaareedkaasi maalgelisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland kaasoo qayb ka ah tartamo loo qabanayo kooxaha heerka koowaad Kubbadda cagta oo dalkoo dhan ka socda.

Tartankaasi waxaa si rasmi ah u furay agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen badhasaabka gobolka Hawd Axmedyaasiin Maxamed Faarax.

Isku-duwaha wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee gobolka Hawd Mustafe Yuusuf Maxamed, guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliland Khadar Jiilaal Jaamac, maayar ku xigeenka Baligubadle, xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee degmadaasi iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa sheegay inay tahay

Waa markii u horreysay ee tartanka kooxaha horyaalka koowaad laga qabanayo gobolka Hawd, isla markaana ay ka qayb galayaan siddeed kooxood oo ka socda degmooyinka uu ka kooban yahay gobolkaasi.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, oo hadal ka jeediyay furitaanka tartan ciyaareedkaasi.

Waxaanu ugu baaqeen dhallinyarta ka qayb galaysa tartankaasi inay muujiyaan ciyaar wanaag iyo niyad samaan, mudadda uu socdo tartankaasi.

Isku-duwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee gobolka Hawd Mustafe Yuusuf Maxamed, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay maayarka degmada Balligubadle iyo badhasaabka gobolkaasi oo uu sheegay inay gacan ka siiyeen sidii ay u qaban lahaayeen tartankaasi.

Geesta kale maayar ku xigeenka Baligubadle ayaa isna uga mahadceliyay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland tartankaasi ay ka daahfurtay gobolka Hawd.

Isagoona ugu baaqay naadiyada heerka koobaad ee gobolkaasi ee ka qayb galaya taranka inay illaaliyaan sumcadda gobolka isla markaana ay soo bandhigaan ciyaar iyo xirfad akhlaaqeed oo sarraysa.

Guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliland Khadar Jiilaal Jaamac, ayaa sheegay inay dardar gelinayaan ciyaaraha kubadda cagta ee dalka oo dhan.

Si loo dhiirrigeliyo isla markaana kor loogu qaado xirfaddooda dhinaca ciyaaraha, dhallinyarta iyo da’yarta Somaliland ee ku sugan guud ahaan dalka.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here