Guddoomiyaha Sool oo Baaq U Diray Wasaarradaha Xukuumadda

0
550

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe ayaa ka warbixiyay xaaladaha nabadgeliyadda iyo horumarka wakhtigan ee uu gobolku ku sugan yahay.

Waxaanu sheegay in sanadkan 2019-ka uu gobolka Sool u yahay sanadkii horumarka, isla markaana wax badani iska bedeleen amaanka magaaladda Laascaanood iyo guud ahaan gobolkaba.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa xusay in waxa keliya uu gobolku tebayo oo ka dhiman ay tahay wasaaradaha dawladda oo aan xafiisyo ku lahayn gobolka.

Waxaanu ugu baaqay wasiirrada xukuumadu ay xafiisyo ka furan Laascaanood, isla markaana ay ka shaqeeyaan gobolka. Taasoo ay tebeyaan bulshadda magaaladda Laascaanood.

Badhasaabku waxa uu sidan ka sheegay warbixin uu telefishanka qaranka Somaliland maanta ka diyaariyay xaaladda guud ee gobolka Sool gaar ahaana dhinaca amaanka, taasoo ay kaga hadleen badhasaabka iyo taliyaha qaybta ciidamadda booliska gobolka Sool.

Taliyaha qaybta booliska Sool  gaashaanle dhexe  Axmed C/laahi Cabdi, oo ka warbixiyay hawl gallo ay maalmahan magaaladda Laascaanood ka fuliyeen ciidamadda boolisku.

Halkan Ka Daawo badhasaabka iyo taliyaha oo arrimahaas ka wrbixinaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here