Badhasaabka Maroodijeex oo Faah-faahiyay Warqad Muran Dhalisay

0
722

Hargaysa (HP): Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay waraaq uu amar ku siinayay hudheeladda Hargaysa oo muran badan dhalisay.

Badhasaabka ayaa sheegay in waraaqdaasi oo soo baxday 19-kii bishan aanay u jeedadeedu ahayn sida bulshadu u turjumatay, balse ay uga dan lahaayeen mid lagu ilaalinayo amniga caasimadda.

Taasoo la xidhiidhay shirar iyo tababaro intoodda badan ay keenaan dad ka yimid Soomaaliya oo aanay dawladu waxba kala socon in lagu qabto hudheeladda magaaladda Hargaysa.

Sidaas darteedna ay waraaqdaasi mulkiileyaasha hudheeladda ku farayeen in ay la soo socod siiyaan waxyaabaha noocaas oo kale.

Daawo Badhasaabka Oo Arrimahaas Faahfaahinaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here