Xildhibaan Guuleed Caydaruus Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Fadhiga Wada Jirka Ee Baarlamaanka

0
690

Muqdisho (HP): Xildhibaan Guuleed Caydaruus Cige, oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay shuruucda arrimaha doorashooyinka oo loo qaybiyay golaha shacabka.

Waxaanu sheegay xildhibaan Guuleed, in shaqo laga gaabiyay oo muddo soo dayacnayd in la doonayo in imika ay wax ka qabtaan labadda gole, isla markaana ay ahayd in sanadkan ay waxyaabahaasi dhamaadaan.

Iyadoo maanta ay fadhigii saddexaad wada yeesheen labadda gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo lagaga doodayay arrimaha la xidhiidha doorashooyinka la doonayo in ay sanadka danbe ka dhacaan dalka.

Xildhibaan Guuleed Caydaruus, ayaa mid aan shuruucda meelna ka waafaqsanay ku tilmaamay fadhigan ay wada yeesheen labadda gole, balse uu yahay mid ku yimid is-af-garad dhex maray labadda shir-gudoon.

Xildhibaan Guuleed Caydaruus Cige, oo maanta u waramay telefishanka Somali Cable,  ayaa faahfaahiyay shuruucda iyo qodobadda dastuuriga ah ee loo baahnaa in loo raaco fadhiyadda lagaga tashanayo arrimaha doorashooyinka.

Halkan Ka Daawo Waraysiga Xildhibaan Guuleed:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here