Badhasaabka Sool Oo Oo MCH Ka Dhagax dhiggay Degaanka Geed Dheer

0
409

Sool (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa degaanka Geed Dheer oo ka tirsan gobolka Sool ka dhagax dhigay xarun caafimaad ama MCH oo loogu tallo galay hooyadda iyo dhalaanka.
Xaruntan caafimaad ee laga dhagax dhigay degaanka Geed Dheer, ayay bulshadu baahi weyn u qabeen helitaankeedda, iyadoona la qorsheeyay in si dhakhso ah loo bilaabo dhismaheedda.
Dhagax dhigaasi waxaa badhasaabka Sool ku wehelinayay maayar ku-xigeenka magaaladda Laascaanood Axmed Kawte, xubno ka tirsan golaha degaanka Laascaanood, iyo maayarka degmadda Buuhoodle, iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay badhasaabka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyo wefti uu hogaaminayaa ay maalmahan danbe kormeer shaqo ku marayeen degaamo ka tirsan dhulka dhinaca Galbeed ee gobolka Sool.
Kormeerkaasi oo uu badhasaabku ugu kuur gelayay xaaladda nololeed ee deegaamadaasi, iyo baahiyaha ay bulshadda deegaamadaasi qabaan, safarkaasi oo uu guddoomiyuhu ku soo maray meello kala duwan.
Degaamadda badhasaabka iyo weftigiisu ay soo kormeereen waxaa ka mid ahaa Bali-Hadhac, Geed Dheer, iyo degaamadda fog-fog ee galbeedka gobolka Sool.
Qaybaha kala duwan ee bulshadda degaamadda Geed Dheer, iyo Bali-hadhac, ayaa badhasaabka iyo weftigiisa si balaadhan ugu soo dhaweeyay markii ay kormeerka shaqo ku gaadheen.
Guddoomiyaha Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo la hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa ugu mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga uu hogaaminayay badhasaabku.
Waxaanu sheegay in u jeedadda safarkoodu uu yahay inay soo arkaan soona ogaadaan xaaladaha guud ee bulshadda degaamadaasi, iyo marti qaadka ay ka heleen beel ka mid ah beelaha degga halkaasi.
Waxa kaloo uu badhasaabku sheegay in degaamadaasi ay ka taagan tahay xaalad abaareed, isla markaana ay hadda ka bilaabmeen hawlaha biyo dhaanka iyo qaybinta raashin caawimo ah.
Geesta kale Odayaasha, iyo waxgaradka degaamadaasi ayaa sheegay in ay ka madax dhaqameed ahaan si weyn uga shaqeeyaan ilaalinta nabad-geliyadda, isla markaana sida ay ula dagaalamaan waxyaabaha amaan darro keeni karra.

DAAWO: Daawo Hadalkii G/Sool ee Dhagax dhigga MCH-ka degaanka Geed Dheer:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here