Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Mudaharaad Maanta Ka Dhacay Ceerigaabo

0
564

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay mudaharaad maanta ka dhacay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kaasoo salka ku hayay dil shalay ka dhacay gobolka Sanaag.
Banaan-baxaasi oo dhigayeen dadweyne ka cadhooday askari ka tirsan ilaaladda badhasaabka Sanaag oo shalay qof ku dilay degaanka Ceeryaan ee gobolka Sanaag.
Wasiirrada wasaarradaha Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, iyo caafimaadka Xasan Gaafaadhi, oo galabta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa ka hadlay mudaharaadkii maanta iyo sidoo kale dilka shalay.
Waxaanay ugu horayn ka tacsiyadeeyeen eheladda, iyo qarraabadda qofkii uu dilay askariga ka tirsanaa ilaaladda badhasaabka Sanaag, iyadoo labadda wasiir ay ugu baaqeen odayaasha, iyo waxgaradka gobolka Sanaag in ay dejinta xaaladda ka shaqeeyaan.

Geesta kale wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa isna ugu baaqay dadweynaha gobolka Sanaag in ay xaaladda dejiyaan, isla markaana dhibkii maanta ka dhacay Ceerigaabo aanu mar kale dib u soo noqon.
DAAWO: Laba Wasiir Oo ka hadlay mudaharaad maanta ka dhacay Ceerigaabo:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here