AstraZeneca oo Diiday Go’aan Ka Soo Baxay Golaha Culimada Indonesia

0
530

Jakarta (Hargeisa Press) – Shirkadda AstraZeneca ayaa maanta sheegtay in tallaalkeeda COVID-19 ayna ku jirin wax walxo ah oo ka yimid doofaarka, iyada oo ku gacan saydhay go’aan ka soo baxay dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ee Indonesia oo lagu sheegay in tallaalka uu ka hor-imanayo shareecada Islaamka.

Golaha ugu sarreeya culimada Indonesia ee Indonesia Ulema Council ayaa Jimcihii website-kooda ku sheegay in tallaalka uu yahay “xaaraan” sababtoo ah waxaa ku jira “walxo ka yimid dheecaanka dheefshiidka doofaarka.”

Si kastaba, golaha ayaa islamarkaana ansixiyey isticmaalka tallaalka sababtoo ah xaaladda deg deg ah ee ka dhalatay cudurka COVID-19.

Hase yeeshee, afhayeenka AstraZeneca ee Indonesia Rizman Abudaeri ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi “dhammaan heerarkii soo saarista tallaalka looma isticmaalin, wax xidhiidh ahna lama sameyn walxo ka yimid doofaar ama xoolo kale.”

Mas’uuliyiinta Indoneisa ayaa Jimcihii ansixiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca kadib markii ay eegeen warbixino ka yimdi Yurub oo ku saabsan in qaar ka mid ah dadkii qaatay uu dhiigga xinjir noqday.

Indonesia ayaa ka mid ah meelaha ugu darran qaaradda Asia ee uu cudurka ku faafay, waxaana laga diiwaan-geliyey 1,455,788, halka ay u dhinteen 39,447.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here