Xildhibaan Axmed Xaashi Oo Ka Tirsanaa Golaha Guurtida oo Ku Geeriyooday Turkiga

0
1291

Hargeysa (HargeisaPress) – Alle ha u naxariistee waxa dalka Turkiga ku geeriyooday  Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo ka tirsanaa Xildhibaannada Golaha Guurtidda Somaliland.

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida ahna Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee aqalka odayaasha Md. Siciid Jaamac  Cali ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskiisii, qaraabadii iyo Golaha Guurtidda ee uu ka baxay Marxuum- Axmed Xaashi Cabdi, waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii Golaha Guurtiddana ka siiyo samir iyo iimaan.

Marxuum Axmed Xaashi Cabdi waxa uu Golaha Guurtida ku biiray sannadkii 2019kii, waxaanu hore u soo qabtay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaanu ahaan jiray siyaasi muddo dheer ka tirsanaan jiray xisbigii UDUB  iyadoo sannadihii u dambeeyeyna uu ka tirsanaa xisbul-xaakimka KULMIYE.

Maydka Marxuumka ayaa maalmaha soo socda loo qadi doona magaalada hargeysa oo lagu aasi doona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here