Aqoontu Waa Awood Iyo Itaal, Waana Aalad Wax Lagu Qabsado, Waa Ilays Iyo Iftiin Wax Lagu Arko.

0
1138

HargeisaPress  —Aqoontu waa quudka koriya garaadka ee toosiya habka fikirka ruuxa kadibna xagal daaca udiida go’aanada lagaadho iyo habraaca wax qabadka iyo fulinta hawlaha.

 

Waxaan malahayga isleeyahay inaad kuligiin kawada dharagsantihiin meeqaanka ahmiyada iyo martabada ay diinteenu Cilmiga iyo Aqoonta siisay iyo inta aayado qur’aan ah ama xadiith nabiga (SCW) kasugnaaday ee arinkaas sida cad uqeexay.

 

Aqoontu waa iimaanka camalka, waxayna suuro galisaa amuuro badan

 

Arimaha ay aqoontu suuro galiso waxaa kamid ah 15kan qaybood ee hoose

 

1-  Aqoonta waxaa lagaga badbaadaa gafafka culculus ee qaangaadhka ah.

 

2-  Aqoontu waxay fududaysaa in la fahmo xigmada kukaydsan sooyaalka iyo cibradaha duruusta taariikhda.

 

3-  Aqoonta waxaa lagu kasbadaa xigmad suurta galisa in ay xubnuhu isjeclaadaan, oo ay wada fuliyaan wax qabad tayo leh, iyaga oo kol walba kukala duwan aragtida, hadana la garwaaqsado in isqadarin iyo is aaminid, (mutual respect and trust) ay fure uyihiin wada shaqayn tayo leh oo idil.

 

4-  Aqoontu waxay balaadhisaa tasawirka guud ee ruuxa, waxayna kobcisaa awooda hal abuur iyo huru marinta kartida wax qabad ee qofka.

 

5-  Aqoontu waxay sugtaa shiishka wax itimaalinta iyo sii odoroska arimaha kukaydsan timaadada ee inta badan ah hal xidhaalaha adag.

 

6-  Aqoontu waxay suurto galisaa in si sax ah oo kamadax banaan rabitaan qofeed/kooxeed (passion and prejudice) loo qiimeeyo arimaha iyo dhacdooyinka arimaha halganka xidhiidhka laleh.

 

7-  Aqoontu waxay xoojisaa guud ahaan geesinimada, gaar ahaana mida aadamiga ah ee keenta xaq u hiilinta iyo is hortaaga dulmiga iyo fasahaadka.

 

8-  Aqoontu waxay xadaysaa damaca iyo ismahdinta ruuxa,

 

9-  Aqoontu waxay suurta galisaa inuu ruuxu garwaaqsado iintiisa, qirtana gafafkiisa, kuna dhiirado sixida ilduufkiisa, wakhtiga ku haboon, isaga oo haleelahaya habka munaasabka ah.

 

10-  Aqoontu waxay ruuxa huwisaa huga xushmada iyo qadarinta, waxayna huftaa akhlaaqda iyo dabeecadihiisa.

 

11-  Aqoontu waxay suurto galisaa in laxakameeyo khilaafaadka wax duminta kolka ay shidmaan.

 

12-  Aqoontu waxay suurto galisaa in hawlaha faraha badan ee aad qabansydid sii taxadir ku jiro aad uu qabatid

 

13-  Aqoontu waa hiil aad kugu dhaw oo aad makaansatid marka aad baahantahay.

 

14-  Aqoontu waxay isku dheeli tirtaa dareemada cadiifada iyo garaadka ee inta badan ruuxa gudihiisa isku hardiya ama is hadheeya, waxayna iftiimisaa cidhibta danbe, cawaaqibta iyo halisaha kadhalan karahaya go’aanada lagu dag’dago.

 

15-  Ugu danbayntii waxay xoojisaa lana xidhiidhaa kartida, maaraynta arimaha sida kadiska ah u aloosma ee lama filaanka ah.

 

Qallinkii: Abdikariim Qoorgaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here