Awaamiir Culus Oo Taliye Cabdillaahi Fadal Oo Kusoo Rogay Garoonka Hargeisa Stadium

0
1123
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan

Hargeysa, (HargeisaPress) —Taliye Cabdilaahi Fadal ayaa sheegay  in ciyaaruhu ilaa hada u socdaan si nabad galyo ah loona baahan yahay in dadweynuhu ciidanka kala shaqeeyaan amaanka waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “marka hore ilaahay ayaa mahad leh sida fiican ee inoogu socdaan ciyaaruhu waxaanan bulshada somaliland iyo taageerayaasha gobolada uga sheegayaa inay amniga ilaaliyaan, qorshe ayey wasaarada ciyaaruhu soo dhigtay anaguna qorshe ayaanu amniga u samaynay cida caagad tuurta ama dhagax tuurta ama wax kale tuurta ciidamada boolisku iyaga oo garoonka ku sugan.

 

waxay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan, waxaanan uga digayaa taageerayaasha dhalinyarada ah inay sameeyaan wax  nabad galyada carqalad ku ah waana ayaamihii ugu danbeeyey, maantana afartii danbe ayey laba wada ciyaarayaan laga bilaabo.

 

maanta farriinta aan dadweynaha u dirayaa waxay tahay inay reeban tahay in dhagax la tuuro ama caagad la tuuro ama la sameeyo wax taageerrada ka baxsan oo aflagaado ah, waxaan dhalinyarada uga digayaa hadyo jeer marka laga dareero kubada inay dadka ku qash qashaan meelahaas cidii sidaas lagu helaana talaabo ayaa laga qaadi doonaa, waxaanan dadweynaha caasimada uga mahad celinayaa sida ay ula shaqeeyaan ciidamada amaanka.”ayuu yidhi taliye Cabdilaahi Fadal oo u waramay Star Tv.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAAS

 

Taliye Cabdilaahi Fadal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan leeyahay dadweynaha caasimada waa inaad ilaalisaan amaanka oo aad soo dhawaysaan ciyaartoyga gobolada, ciyaartuna waa bar cad iyo bar madow waana lagu kala badin karaa laakiin amaanku wax lagu ciyaari  karo maaha cidii ku ciyaartana ciidanka boolisku waxay amran yihiin inay talaabo sharciya ka qaadaan, taarabuunka laftirkiisa nidaam ayey wasaaradu u soo dajisay anaguna dhinaca nabad galyada nidaam ayaanu u dajinay, silig ayaa ku xidhan meelo gaar ah ayaa maanta laga bilaabana loo sheegi doonaa taageerayaasha cid walbana dhinaca loo jeediyo waa inay amarka qaataan oo ay tagaan cidii ku dhaqmi wayda amarada nabad galyadana booliska ayaa talaabo ka qaadi doona.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here