Akaademiyad Ciyaareed Oo Casri Ah Oo Laga Hirgeliyey Xaafadda Jigjiga Yar Ee Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
1130

Hargeysa, (HargeisaPress) — Akaademiyad cusub oo ka shaqayn doonta dhinaca horumarinta ciyaaraha oo soo kordhisay garoomo casri ah ayaa shalay xadhiga lagaga jaray caasimadda Somaliland ee Hargeysa, agagaarka Hutel Maansoor. Akaademigan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa oo kale ah waxa maal-gashaday muwaadiniin aqoonyahano qurbe joog ah waxaana xafladdii furitaanka akaademigan horumarinta ciyaaraha ka soo qayb galay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi, Maareeyaha Samafalka Wasaaradda Dib U Dejinta Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Maayarkii hore ee Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, Guddoomiyaha dalladda heer qaran ee Dhallinyarada Somaliland Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga WADDANI Mustafe Qodax, Xildhibaano, Culimo iyo ciyaartoy fara badan.

SONYO3

Sida uu sheegay aasaasaha Akaademigan Md. Cabdi Ismaaciil oo ah Khabiir ku xeel-dheer ciyaaraha kana soo laabtay wadanka Ingiriiska ayaa sheegay in Akaademigan cusubi ku hawl gali doono laba garoon oo cusub oo casri ah oo leh dhammaan agabkii lagama maarmaanka ahaa sida doogga macmalka ah waxaanu sheegay in labada garoon loogu tala galay caruurta iyo dadka waaweyn iyada oo Akaademigani caruurta hab cilmi ah markii ugu horraysay loo bari doono ciyaaraha.

SONYO 2

Guddoomiyaha SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo furitaanka Garoomadan iyo Akaademiga cusub ka hadlayaa waxa uu sheegay in ay ka dhallinyaro ahaan soo dhawaynayaan, ciyaaruhuna yihiin kuwa ugu mudan lagula tacaali karo arrimaha dhallinyarada dhibaatada ku ah sida Tahriibta iyo balwadaha xunxun, isaga oo madasha ka ballan qaaday in SONYO labada kooxood ee ugu horreeya ee akaademigan soo gala dirayskooda ku deeqi doonto.

SONYO 4
Maayarkii Hore ee Gabilay Khadra Xaaji Gaydh, Madaxa Samafalka Dib U Dejinta Aamina Maxamuud Diiriye, Xildhibaan Cagayare, Guddoomiyaha SODRA Mr. Shaqale, Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda cagta Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mud. Muuse Biixi oo hadalka isaga dambeeyey ayaa mid kastaa ka hadlay muhiimadda garoomada iyo akaademiyadaha noocan ahi wadanka iyo dhallinyarada u leeyihiin waxaanay sheegeen in xukuumadda looga baahan yahay ina ay dhiirri geliso horumarkan ay soo kordhiyeen muwaadiniintan is xilqaamay lana dhiirri geliyo oo ubadka la keeno akaademigan si wakhtigooda waxbarashada kadib ay ugu madadaashaan ciyaaraha caafimaadka u leh jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here