War Degdeg ah: Weriyayaal Goor dhoweyd Lagu Xidh-Xidhay Magaaladda Ceerigaabo

0
1021

Ceerigaabo, (HargeisaPress) — Boliiska Ceerigaabo ayaa goor dhoweyd oo duhurnimadii ahayd waxay suuqa ka qabteen labada weriye oo kala ah Maxamed Yuusuf Bakayle iyo Barkhadle Maxamuud Geeddi oo ka kala hawlgala warbaahinta (Royal TV iyo Kalsan TV) Waxana labadan weriye lagu xidhay Saldhigga
boliiska Daallo ee magaalada Ceerigaabo oo ay waqtigan ku xidhan yihiin.

Labadan weriye ayaa wararku sheegayaan inay u xidhan yihiin war ra’yi ururin ah oo ay maalintii shalayto ka qabteen bulshada Ceerigaabo qaarkood kana sii daayeen warbaahinta ay ka hawlgalaan taasoo bulshadu kaga hadleen waxqabadka golaha degaanka Ceerigaabo oo ay dhalliilo
usoo jeedinayaan. Arrantaasoo ay dhibsadeen qaar ka mid ah golaha degaanka Ceerigaabo ee dhalliilaha bulshadoodu usoo jeedinaysey kana dalbadeen boliiska in loo xidho weriyayaashan dhalliilohooda baahiyey. Taasoo u muuqanaysa arrin xorriyatul-qawlka saxaafadda kazoo hor jeedda.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here