Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Furay Tartanka Chess-Ta Ee Goboladda Somaliland + SAWIRRO

0
929

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha somaliland maxamed xuseen dhabeeye ayaa furay tartanka ciyaaraha chess-ta goboladda somaliland.

 

Waxaa munaasibad balaadhan oo lagu daah furayay xafladdani ka soo qaygalay guddoomiyaha xidhiidhka ches-ka somaliland mustafe Cabdiraxmaan Cabdilaahi ku xigeenkiisa Farxaan Xuseen Cali,agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux iyo dhamaan 14ka gobol ee ku tartamaya chess-ta.

5-2-740x555

Madashani waxaa ka hadlay ugu horayn Farxaan Xuseen X Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka chess-ta waxaanu ku dheeraaday faa,iidada ay ciyaartani u leedahay bulshadda gaar ahaan koritaanka maskaxda oo uu sheegay in ciyaartani furfurto maskaxda.

 

Waxaa kaloo uu xusay in dadaal badan oo ay sameeyeen xidhiidh ahaan ay maanta soo gaadhsiiyeen heerkani chess-ta.

 

Ka dib waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xidhiidhka chess-ta somaliland Mustafe Cabdiraxmaan Cabdilaahi waxaanu si qoto dheet u faahfaahiyay marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray xidhiidhkani.

4-2-740x330

Waxaanu xusay in dadaalka ay ugu jiraan kobcinta da, yarta aanay halkaasi kaga hadhay balse ay sii laba laabi doonaan.

 

Geesta kale guddoomiye Mustafe Cabdiraxmaan Cabdilaahi ayaa ugu bushaareeyay dadka jecel chess-ka in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay gaadhsiiyaan dhamaan goboladda dalka.

1-33-740x555

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda ciyaaraha iyo la taliyaha wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha somaliland.

 

Gabagabadii waxaa hadalkaasi soo afmeeray agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha somaliland mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye,waxaan uu tartamayaasha kula dardaarmay in ay la yimaadaan ciyaar wanaag laga dheehan karo asluub iyo daganaan, waxaa kale uu uu ka hadlay mudane Dhabeeye sidda fiican ee uu u shaqeeyo xidhiidhkani waxaanu balan-qaaday in wasaaradd ahaa ay ka go,an tahay in ay gacan qabtaan xidhiidhkani,sidoo kalena Mudane Dhabeeye ayaa waxaa uu balan qaaday in la abaalmarin doono tartamayaasha kaalmaha hore gala.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram:Β @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here