AFRIKA: Soo rogaal celinta Ruushka. Qallinkii : Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan

0
958
Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan
HargeisaPress — 1980, Midawgii Sofiyeeti boqolaal heshiisyo is-afgarad ayuu la galay Afrika. In ka badan 25,000 oo Afrikaan ah oo bartay cilmiga ciidamada iyo siyaasadda ayuu ku soo tabo-baray Jaamacadaha midawga Soofiyeeti.
Madaxweynayaasha Angola, Cape Verde, mozambique, South Afrika iyo masuuliyiin badan oo Somaliland ka soo jeedaa waxay ka mid yihiin ardaydii kasoo aflaxday jaamacadahaasi. 37 Wadan oo Afrikan ah ayuu la galay heshiisyo ah in uu ka caawinayo dhinaca Farsamada iyo Dhaqaalaha, halka uu 42 dalna uu kala galay heshiisyo ganacsi.
Ruushku saamayn kuma lahayn Afrika waayadan sida China, sidoo kale ma ahan mid ku cusub Afrika wuxuuse la lahaa xidhiidh xoog badan dalal badan oo Afrika ah wakhtigii Midawgii Soofiyeeti xooga badnaa.
Xidhiidhkaasi taariikhiga ah ee hore wuxuu Ruushka u saamaxayaa dhisida xidhiidhkiisa wakhtigan ee Afrika. Inkastoo Ruushku gumaysan dal ka mid ah Afrika haddana wuxuu qayb weyn ka qaatay sidii Afrika gumaysigu uga guuri lahaa isla markaana loo joojin lahaa Midab Takoorka.
Waayadan dambe waxa muuqata ifaafalo muujinaya soo rogaal celinta Ruushka ee ku wajahan Afrika. Wasaaradda Saliida ee Uganda waxay ku dhawaaqday in shirkad laga leeyahay dalka Ruushka oo la yidhaahdo RT Global Resources ay ku guulaystay hirgalinta mashruuc warshad saliida sifaysa oo ku kacaysa $3 Bilyan.
Shirkadda RT Global Resources waxay ka tirsan tahay shirkadda ugu weyn ee ay dawladda Ruushku taageerto ee la yidhaahdo Rostec maamulana ka yahay Sergey Chemezov oo ka mid ah xubnanaha Ururka Yurub iyo Maraykanku ay cuno qabataynta saareen kaddib dhaq-dhaqaaqyadii Ruushka ee UKRAIN. Mashruucani wuxuu muujinayaa isku dayada hordhaca ah ee Kremlin-ku uu ku rabo in uu dib ugu soo laabto Afrika isla markaana kaalin ku yeesho arrimaheeda.
Shirkadda RT Global Resources iyo maamulaheeda Chemezov waa gacanta midig ee Madaxweynaha Ruushka – waxay ka hawl gashaa meelaha danaha siyaasadeed Ruushku ka leeyahay si ay gacanta ugu dhigaan macdanaha muhiim ka ah una abuuraan ganacsiyo baahi loo qabo oo suuro galinaya danaha Ruushka muhiimka u ah.
Sannadkii hore Ruushku wuxuu daaha ka fayday dayax gacmeed hawada sarre uu ku rakibay oo uu u bixiyay Mashruuca Condor – Dayax gacmeedkaasi wuxuu xogo ka gudbinayaa guud ahaan qaarada Africa sida ay sheegtay xogo ay heshay Al-jazeera – Mashruuca Condor wuxuu ruushku la kaashanayaa milatariga Koonfur Afrika.
Ismail Omer Geelleh oo ka hadlayay hirdanka quwadaha waaweyn ay ku hayaan dalkiisa waa kii lahaa “Arrimaha kacsan iyo mudaharaadada waxaa ka dambeeya dawlado & quwado ka xun xidhiidhada cusub ee aanu yagleelayno”.
Keir Giles oo ah madaxa Xarunta Darsida Khilaafaadka ee UK ayaa wuxuu yidhi “Danaynta Moscow ee Afrika waa arrimo siyaasado qabow ah (Soft Power)”
Markii uu xumaaday cilaaqaadkii Midawgii Soofiyati iyo dawladdii Soomalida 1977 Ruushku wuxuu lumiyay Deked iyo goob muhiimad weyn gobolka u leh oo uu si heer sare ah u qalabeeyey, Deked ay ku soo xidhan karaan maraakiibta dagaalka ee sida madaafiicda la hago oo tankoodu yahay 10,000 ton, Airport 4000m uu yahay runwaygiisu oo ay ku soo dagi karaan diyaaradaha ugu waaweyni – Dekedda Berbera waxay u ahayd xarun xidhiidh oo muhiimad weyn u lahayd ciidamaddii Midawga Soofiyati ee ku sugnaa gobolka, waxay u ahayd xarun kayd oo dhanka hubka ah iyo xarun si heer sarre ah loo nidaamiyay oo dhanka kaydka shidaalka ah – intii u dhaxaysay 1977 ilaa 1980 ayuu si rasmi ah uga baxay.
Ruushka iyo Soo rogaal celintiisa Afrika muhiimad weyn ayuu u yeelan karaa Somaliland – waxaynu u baahanahay in aynu ka faaiidaysano oo la abuuro danno abuura hirdan ku wajahan hanashada Somaliland – Ileyn dhabar jeedintii reer galbeed ka ku daalnay oo ka daalnaye.
Tixgalin

Qallinkii : Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here