Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Maalmaha Soo Socda Safar Ugu Baxo Dalka Isku Tagga Imaaraadka

0
793

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalmahana fooda inagu soo haya ay safar ku tagaan dalka isku tagga imaaraadka Carabta .

 

Waxaana safarkan uu Madaxwaynahu ugu amba baxayo dalka imaaraadka carabta uu ajandahiisu daaran yahay sida ay noo sheegeen ila wareedyo ka agdhaw inay kulamo lasoo qadaanayaan madaxda dalka imaaraadka isla markaana ay kala soo hadlayaa hirgalinta mashaariico badan oo ay dawlada Somaliland u  balan qaadeen  masuuliyiinta dalka isku tagga imaaradku.

.

Sidoo kalena waxa la filayaa inuu madaxwayne siilaanyo kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda ugu saraysa dalka isku tagga imaaraadka carabta.

 

Weftiga Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka mid noqon doono wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiro kale. Sidoo kale waxa Madaxweynaha safarkiisa ku wehelin doona wakiilka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo ah wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here