Afhayeenka Kulmiye oo Dhaliillo U Jeediyay Xisbiga Waddani

0
918

Hargeysa (HP): Xisbul-xaakimka tallada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa ku eedeeyay xisbiyadda mucaaradka ah inay si xun u faafiyeen dhacdadii xibsiga weyn ee Hargeysa.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Muxumed Xasan Buuni, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa ku dhaliilay hogaanka xisbiga Waddani sida khaldan ee ay uga hadlaan arrimaha qaranimadda.

C/naasir Buuni, waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dhacdadii xabsiga dhexe ee Hargeysa, taasoo saxafiyiin toos u gudbinayay dhacdadaasi ay xukuumadu xidhay.

Waxaanu sheegay afhayeenka Kulmiye in ay mudan yihiin in tallaabo laga qaado saxafiyiintaasi, maadaama oo ay dhacdadii xabsiga buun-buuniyeen.

Geesta kale afhayeenka xisbiga Kulmiye ayaa tilmaamay in masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee arrinta xadhiga weriyeyaasha ka hadlay ay yihiin kuwii ku sifoobay in ay Haweenka xidhaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here