Abiy Ahmed oo Ka Hadley Dagaalka U Dhaxeeya Xibiyada ADP iyo TPLF, Xidhiidhka Itoobiya iyo Eritera, Afgambigii Dhicisoobay iyo Doorashada Soo Socota

0
522

Addis Ababa (Hargeisapress)- Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka jawaabay su’aala la xidhiidha afgambigii dhicisoobay, doorashada soo socota iyo arrima la xidhiidha xuquuqda aadanaha.

Ra’sal wasaare Abiy wuxuu sheegay “dadka fududeysanayo qulqulatooyinka dalka Itoobiya ka dhacay 22-kii June iney saxaan, wuxuuna intaa ku daray afgambiga xilligaasi dalka ka dhacay haddii ay dowladda si degdeg ah gacanta ugu dhigi lahayn waxay dalka oo dhan u horseedi lahayd khatar aad u weyn.”

Mar wax laga weydiiyey xaaladda askariga looga shakisan yahay inuu dilay abaanduulaha ciidamada Jeneraal Sacare Makonnin wuxuu sheegay “in askarigaasi dhuunta uu dhaawac ka soo gaadhay oo haatan Cisbitaal lagu dabiibayo, dhaawaca soo gaadhay dartii maadaamaa uu u hadli karin xogti isaga laga heli lahaa weli lagama helin”.

“Hase yeeshee, shaqsiyagan looga shakiyey dilka jeneraalka shaqsiyaadka uu taleefanka kula xidhiidhayey dowladda gacanta ayey ku soo dhagtay xog badanna waa ay ka heshay” ayuu yidhi.

Wuxuuna intaa ku daray “iney helaan xog intaa dheer oo ku saabsan in la doonayey in jeneraallo kale la khaarijiyo”.

Ra’isal wasaaraha su’aalaha la weydiyey waxaa ka mid ah dowladda wixi ka dambeeyey dhacdadi 22-kii June 2019-ka dowladda waxaa lagu eedeeyaa iney cadaadis xooggan ay saartay cabbudhinta? wuxuu ku jawaabay arrintaasi run ma aha dowladda ma dooneyso iney cadaadiso warbaahinta, weliba waxay dowladda dib u furtay warbahinta kala duduwan oo ay hore dowladda u xidhay.

Arrinta ku saabsan adeegga Interneetka.

Su’aalaha Ra’isal wasaaraha la weydiiyey waxaa ka mid ah markasta oo ay qayb dalka ka mid ah dhibaata amni darro ka dhacdo adeegga interneetka maxaa loo jaraa?

Ra’isal wasaaraha oo su’aashaasi ka jawaabaya wuxuu yidhi, “dalka Itoobiya ma aha inaan marwalba barbar dhigno waddamada horumaray, waddamada horumaray interneetka uma adeegsadaan in lagu gudbiyo farriimo qowmiyado ama qabiilo la isaga horkeenayo, waddamada horumaray interneetka waxaa loo isticmaalaa waxyaabo wanaagsan, marka haddii aan u aragno interneetka oo la jaro in naf iyo maal lagu badbaadin karo jaritaan mudda gaaban ma aha haddii loo baahdo ilaa abid waan jareynaa” ayuu yidhi.

Arrimaha ku saabsan xuquuqda aadanaha.

Ra’sal wasaare Dr Abiy su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ah, wakhtiyada ugu dambeeyey dowladda waxaa lagu cambaareeyaa arrimaha xuquuqda aadanaha, marka mowqifka arrintaa ay ka qabtay xukumaddaada maxaa iska beddelay? wuxuu ra’sal wasaaraha uu ku jawabay, “waxaan idiin sheegayaa inuu jirin qof ku xidhan guri mugdi ah, dadku lama garaco, ciddiyaha lagama siibo, marka mowqifka xuquuqda aadanah ay xukumaddaydu ka aaminsan tahay xuquuqda aadanaha waxba iska beddelin, balse waxaan dooneynaa inaan nidaamka dimuqraadiyadda dalka si buuxda uga hirgelinno”.

Arrimaha ku saabsan xidhiidhka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritera.

Ra’isal wasaaraha oo sheegay iney Itoobiya xidhiidh wanaagsan la yeelatay Eritrea, wuxuu sheegay iney dowladda Eritrea iyo shacabka Eritrea ay doonayaan iney wada shaqeyn la yeeshaan dowladda iyo shacabka Itoobiya.

Wuxuuna Ra’isal wasaaraha carrabka ku dhuftay in kasta oo ay labada dal xidhiidhkooda cusbooneysiiyeen, haddana arrima badan oo aan wanaagsaneyn oo dhaqanka iyo dhaqaalaha la xidhiidho iney dhaceen ma qarin. Waxaanna hadda ka shaqeyn haynaa ayuu yidhi sidii aan xidhiidhka labada dal u wanaajin lahayn taasoo laga yaabo iney wakhti qaadato.

Arrimaha ku saabsan codsiga ismaamul ee qowmiyadda Sidaama.

Ra’isal wasaare Abiy Axmed mar wax laga weydiiyey arrinta la xidhiidha codsiga ismaamulka ee qowmiyadda Sidaama wuxuu yidhi, Shacab kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xuquuaha siyaasadeed uu leeyahay, codsiyada la xidhiidha in ismaamul gaar ah in la noqdo xuquuqda siyasadeed ka sokow waxaa jira arrima badan oo u baahan in laga shaqeeyo sida hanti qaybsiga, sharciyada iwm, si waafaqsan jadwalka uu dajiyey guddiga doorashooyinkana waxaa la qabanyaa afti shacab.

Arrinta ku saabsan dagaalka afka ah ee u dhaxeeya xibiyada ADP iyo TPLF.

Ra’isal wasaaraha wuxuu sheegay “dagaalka afka ah ee maalmahan dhexmaraya xisbiyada ADP ee Amxaarada iyo Xisbiga TPLF ee Tigreega marka xagga siyaasadda laga eego waa wax dhici kara, labada xisbina waxay si wada jir ugu soo wada halagameen sidi shacabku xaqiisa u heli lahaa.”

“Labada xisbi oo danaha shacabka u soo wada halgamay kana soo wada shaqeeyey iney mudda kaddib arrima noocan dhex maraanna waa wax dhici kara” ayuu yidhi.

“Waxaana la diyaarinayaa madal ay labada xisbi ee ka wada tirsan xisbul xaakimka dalka Itoobiya ee EPRDF ay kaga wadahadlaan khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay” ayuu yidhi  Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

https://fanabc.com/english/2019/08/eprdf-committed-for-upcoming-election-to-take-place-on-schedule/

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here