Aas Qaran Oo maanta lagu Sagootiyay Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Marxuum Faysal Kaamil iyo Kumanaan Dadweyne iyo Masuuliyiin Isugu Jira Oo Aaska Ka Qeyb Galey

0
1042

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Xabaalaha Xeedho ee Magaalada Hargeysa ayaa si heer qaran ah maanta loogu dareeray aaska Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Marxuum Faysal Kaamil Ciise oo caweysinkii xaley ku geeriyooday Magaalada Hargeysa kadib markii xanuun kusoo booda ahi haleelay todobaadkii u dambeeyay.

 

Taliyaha Guud ee Ciidamada Somaliland Sareeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidamada,Wasiirada Madaxtooyada,Caafimaadka,Xanaanada Xoolaha,Macdanta,Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo kuxigeenadiisa,Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen,Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale,Mujaahid Maxamed Xasan(jidhif),iyo Gudoomiyayaasha Gobolada Gabiley Sanaag Maayarada Hargeysa,Gabiley iyo Masuulyiin tira badan oo ka kala socdey Xisbiyada Qaranka Xukuumada,ururada Bulshada Rayidka ah,Ganacsato iyo dadweyne aad u tira badan oo ka akala yimid Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa siweyn uga qeyb galey aaska Qaran ee lagu galbiyay Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland Marxuum Faysal Kaamil Ciise iyadoo dhamaanba Masuuliyiintaasi ka warameen doorkii iyo Taariikhdii Marxuumku ku lahaa dalka iyo intii ay aqoon u lahaayeen mudadii uu hayey xilka Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidanka Qaranka Somaliland labadaba,iyo waliba shakhsiyadiisii iyo dabeecadiisii qof ahaaneed,waxaanay si guud uga tacsiyeeyeen guud ahaanba Shacbiga iyo Ciidamada Somaliland waxaanay sigaar ah dhambaalo tacsi ah uga direen qoyskiisii,ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram:Β @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here