Daawo Muuqaal: Maxkamada Gobolka Hargaysa oo Gees Iskaga Leexisay Eedo Musuqmaasuq, Daliilo Cadna Soo Bandhigtay

0
1801

Hargaysa , (HargeisaPress) — Maxkamada Gobolka Hargaysa ayaa manta gees iskaga leexisay eedo musuq maasuq oo lagu eedeeyay kuna soo baxay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland.

Garsoore Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ah garsoorayasha maxkamada gobolka Hargaysa iyo kaaliyaha Maxkamada Gobolka Hargaysa Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) ayaa warar kusoo baxay qaar ka mid ah wargaysada dalka iyo mareegaha wararka ku sheegay in ay ahaayeen warar been oo aan sal iyo raad toona lahayn, wararkaas oo ku saabsanaa inay lunsadeen lacag dhan $18,000 (sided iyo toban kun oo dolar).

vlcsnap-2015-05-17-12h14m42s252

Garsoore Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kaaliye Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) oo manta warbaahinta la hadlay ayaa halkaa ka cadeeyay in aanay lacagtaa ku takri falin oo ay hayaan iyadoo halkaa ku soo bandhigay lacagtii sideed iyo tobanka kun ee doolar ahayd ee lagu eedeeyay in ay lunsadeen.

Garsoore Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud oo ahaa garsooraha dacwadaa gacanta ku haya oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay wararkaasi sal iyo raad toona lahayn dacwadaasina ay ahayd dacwad babul khiyaamo ah.

Garsoore Maxamuud oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ah garsoorihii Dacwadan hayay, dacwaduna waxay ahayd dacwad babul khiyaamo ah waxaana dhibane ka ahaa Cabdisamad Maxamuud Habane, eedaysanayaalna wax ka ahaa Cali Cumar Faarax iyo Caasha Cumar Faarax”.

vlcsnap-2015-05-17-12h14m58s806

Garsoore Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in dhibane Cabdisamad Maxamuud Habane laga iibiyay dhul dhaxal ah oo cabirkiisu yahay 12×12 oo ay wada leeyihiin walaalaha Cali Cumar Faarax iyo Caasha Cumar Faarar lagana siiyay $22,000 (laba iyo labaatan kun oo doolar).

Waxa kale oo Garsoore Maxamuud sheegay in intii dacwadu socotay ay maxkamadu gacanta ku dhigtay $18,000 (sided iyo toban kun oo dolar) oo ay soo bixiyeen dhinicii eedaysanayaashu.

Kaaliye Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) oo isagu masuul ka ah lacagta ay qabato maxkamadu oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo bandhigay lacagtii sideed iyo tobanka kun ee doolar ahayd ee lagu eedayay inuu lunsaday.

Kaaliye Gurey waxa kale oo uu sheegay in shakhsiga soo cawday aanu cabasho qoraal ah usoo gudbin gudoomiyaha maxkamada, isla markaana aanu waxba ka ogayn gudoomiyaha maxkamadu.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here