8 Qof oo Toogasho Lagu Dilay Gobolka Georgia Ee Dalka Mareykanka

0
661

GeorgiaΒ (Hargeisa Press) – Ugu yaraan 8 qof, oo ay ku jiraan 6 haween Asian ah ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday seddex goobood oo kala duwan oo ku yaal gobolka Georgia ee dalka Maraykanka.

Weerarkan toogashada ah ayaa loo xidhay nin cadaan ah 21 jir ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu abaabulay dhammaan saddexda weerar.

Toogashada ayaa ku soo beegmaysa xili dad badan oo Asian-American ah ay la soo daristay cabsi ka dib markii ay dhawaanahan ku soo bateen dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah bulshada waxayna keeneen cabsi degdeg ah oo ah in ganacsiyada ay Asian-ku maamusho laga yaabo in si ula kac ah loo beegsanayo.

Kooxaha u dood xuquuqda madaniga ah ayaa sheegay in kororka naceykan uu qeyb weyn ka qaatay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump , maadaama uu si joogta ah cudurka Coronavirus ugu yeedhi jiray China Virus.

Booliska ayaa sheegay in kasta oo ayna hayn xog ku saabsan ujeedada dilkan, hadana ay baadhi doonaan.

“Qaab kasta oo aan ku heli karno caddeymaha iyo ujeedada dhacdadan ayaan sameyneynaa, baadhayaashuna waa tagayaan meel kasta” ayuu yidhi Jay Baker oo ah kabtan ka tirsan waaxda Sheffirka ee ciidanka Booliska.

Afhayeen u hadlay hay’adda dambi baadhista ee FBI ayaa sheegay inay caawin doonaan booliska Atlanta, waxaana boolisku ay sheegeen inay xoojin doonaan goobaha laga yaabo inay ka dhacaan weerarada noocan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here