“Xisbiga Waan Ku Jirayaa Hadda-na Waan Canbaaraynayaa Damiirkaygu I siin Maayo”…

0
515

Hargaysa (Hargeisa Press): Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xaamud, ayaa ka jawaabay hadallo dhaliil ahaa oo uu  xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo uu ku naqdiyay xukuumadda madaxweyne Biixi.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xaamud, oo la hadlay warbaahinta ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xildhibaan Bulqaas uu xukuumadda dhaliilo, isagoo hadana sheeganaya in uu ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye.

Waxaa kaloo uu ka hadlay xildhibaan C/qaadir, xaaladda gobolka Sanaag bari, oo uu sheegay in ay wanaagsan tahay.

Waxaanu intaasi ku daray in loo baahanyahay in wax laga qabto dhibaatooyinka ka jira gobolkaasi Sanaag bari.

“Runtii imika way iska wanaagsan tahay xaalada gobolka Sanaag, gaar ahaan Bariga Sanaag. Laakiin, in siyaasad cad laga yeesho Sanaag Bari, oo wixii qabyo ah sidii loo dhamaystiri lahaa, waa in ay xukuumaddu awoodda saarto.

Dhibaatooyinka ka jira guud ahaan gobolka Sanaag. Waxaanan soo jeedinayaa in xoooga la saaro sidii loo hagaajin lahaa”.

Geesta kale xildhibaan C/qaadir Xaamud, ayaa  ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay xildhibaan Bulqaas, oo ay ka wada tirsan yihiin golaha Wakiiladda.

Waxaanu yidhi “Xildhibaan Bulqaas, oo aanu isku gole nahay, in badda-na aanu soo wada shaqaynay, safarkii madaxweynuhu ku tegay goboladda bariga Sanaag,  anigaa soo dhameeyay.

Markaa wuxuu doono in uu ka hadlo ma aha xildhibaan Bulqaas.  Marka xisbi aan ku jiro anigu, ma af-lagaadaynayo ee marka hore waa in aan bannaanka uga baxo”.

Waxaanu intaas ku daray, “Laakiin, xisbigii waan ku jirayaa, hadda-na waan caayayaa, aniga damiirkaygu I siin maayo, ee waxaan xildhibaan Bulqaas leeyahay, haddii aad doonayso in aad xisbiga KULMIYE wax ka sheegto, marka hore ka bax.

Waxaad ka hadlaysa-na, in aad ka fiirsato ayaa wanaagsan”ayuu yidhi xildhibaan C/qaadir.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here