12 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0
1291

Muqdisho (HargeisaPress)-12 qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 16 kale-na way ku dhaawacmeen qarax xoogan oo maanta duhurnimadii ka dhacay inta u dhaxaysa isgoysyadda Dabka iyo Sayidka ee magaaladda Muqdisho.

Sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiinta shirkadda gaadiidka gurmadka deg dega ah ee loo yaqaano Aamiin Ambulance, oo magaaladda Muqdisho ka shaqaysa.

 

Qaraxan oo ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay ka soo hor jeedka huteelka Weheliye oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukara gaar ahaana  meel u dhaw hudheelka Bilsan.

Qaraxaas ayaa saamaynta ugu weyn ku yeeshay hudheel laga cunteeyo oo la yidhaahdo Bilsan, kaasoo xiliga qaraxu dhacay ay dadweyne aad u fara badan ka cuntaynayeen, isla markaana Geed weyn oo hortiisa ku yaala ay dad badan hoos fadhiyeen.

Khasaare hantiyeed oo aad u badan ayaa la soo sheegayaa in uu qaraxaas ka dhashay, maadaama oo  aagaasi ay ku yaalaan meherado ganacsi oo aad u badan. Kuwaasoo dhamaantoodba bur-buray.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi uu khasaare ka soo gaadhay gaadiid kala duwan oo xiligaas marayay jidka weyn ee Maka Al-Mukara, iyadoo wakhtigaasi uu jidku aad cidhiidhi u ahaa.

Geesta kale ilaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxan oo ka dhacay meherad ganacsi oo inta badan dad shacab ah ay yimaadaan, iyadoo  aan loo tuhmi Karin in masuuliyiin dawladda ka tirsan ay wax ka cunaan ama yimaadaan.

Dhinaca kale, xaaladda amaanka magaaladda Muqdisho ayaa mudooyinkan danbe sii xumaanaysa, waxaanay dadweynuhu aad uga dayrinayaan qaraxyadda iyo dilalka ku soo badanaya mudooyinka magaaladda Muqdisho.

Qaraxan maanta  ayaa noqonaya kii saddexaad oo bishan gudaheedda ka dhaca magaaladda Muqdisho. Waxaana jirtay in 1-dii bishan March qarax weyn iyo weerar is-xigay lagu qaaday hudheelka Maka Al-Mukara.

Sidoo kale todobaadkii hore waxaa qarax iyo weerraro xigay lagu qaaday labadda wasaarradood ee Hawlaha guud iyo shaqaalaha ee dawladda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo xalay-na qarax ay dad ku dhinteen uu ka dhacay waddada Sodonka ee isla magaaladda Muqdisho.

 

 

HargeisaPress.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here